Ceerigaabo: Isu-soo-baxyadii Ballaadhnaa ee Taageerayaasha KULMIYE ku soo Bandhigeen

Ceerigaabo, 22, June, 2010-(Berberanews)-Taageerayaasha xisbiga xisbiga kulmiye, ayaa saaka wacdarihii ugu balaadhnaa ka sameeyey gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo waxa isugu soo baxay kumanaan katirsan taageerayaasha kulmiye oo watay boqollaal gaadiid.

Taaageerayaashan, ayaa intii aanay fagaaraha Beerta Xoriyadda iman waxay soo mareen wadooyinka iyo shaaraceyada waaweyn ee magaalada ceerigaabo, halkaasoo kala qaybgalleen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ka tirsan oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Cabdiraxman Tanyanle iyo masuuliyiinta gobolka Sanaag ee xisbiga.

Waxaana ugu horayntii kalaa ka hadlay taageerayaasha Gudoomiyaha ololaha doorashada ee gobolka sanaag Axmed C/laahi Jaamaca (Axmed Rooraaye) waxaana uu umahad naqay taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga wxaana sheegay in ay maanta soo khatimeen ololohoodii islamarkaana uu taageerayaasha xibiga kulmiye kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhinaca nabadgalyada iyo si ay uhantaan talada dalka waxaana uu ku ee deeyey in xisbiga udub oo wado khalkhal nabad galyo loona baahan yahay in laga feejignaado.


Waxa isna halkaa ka hadlay cali ducaale faaraxa oo kamida masuuliyiinta xisbiga kulmiye ahna masuul miisaan culus kule gobolka sanaag waxaana uu ka waramay fadhiidnimada iyo wax qabad la’aanta xukuumada madaxweyne Rayaale.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyihii hore ee difaca iyo nabad galyada UDUB C/laahi Maxamed jaamaca (Carray) iyo Gudoomiye kuxigeenkuu daraasadka iyo cilmi baadhista Jaamac dabxaan ee xibiga udub oo dhawaan xilkaa iska casilay ayaa sheegay inay ahaa yeen saraakiil katirsan xisbiga udub haatan ay yihiin taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaana ay sheegeen in dalku ubaahan yahay isbedel degdeg ah .

Waxaa ina Madashaa kahadlay Gudoomiyihii hore ee xisbiga udub ee Gobolka sanaag Cali Ismaaciil Berre oo caan ka ahaan jiray xaafadaha magaalada ceerigaabo ayaa sheegay inuu halkan fariin uga dirayo Madaxweyne Riyaale iyo Kuxigeenkiisa oo uu sheegay inay nastaan islamarkaana xilka ku wareejiyaan masuuliyiintan cusub.

Gudoomiye ku xigeenka ololaha Gobolada Barri ee xisbiga kulmiye Axmed Xaaji Cadami oo isna ka hadlay dhoolatuskaa siyaasadeed ayaa ka waramay waayo aragnimada uu uleeyahay komishanka qaranka waxaana uu carabaabay inay xooga saaraan dhinacyada goobaha codbixiyayaasha

Waxaana munaasibadaasoo gabagabeeyey Gudoomiue ku xigeenka saddeaxaad ee xisbiga kulmiye ahna xildhibaan lagasoo doortay Gobolka sanaag C/raxmaan Maxamed Talyanle oo Umahad naqay taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaana oo ku booriyey inay ilaaliyaan dhinacyada nabad galyada waxaana ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga kulmiye.

Taageerayaasha xisbiga kulmiy,e ayaa saaka si weyn usoo bandhigay cududooda xoogan waxaana ay socod ku soo mareen shaaracyada magaalada ceerigaabo.

iyadoo lagu jiro mudadii ugu danbaysay ee ololaha doorashada ayaa saddexda xisbi qaranba ku daadalayaan sidii mid kastaa uhananlahaa aqalka madaxtooyada Somalilnad waxaynu eegnaaba waa 26juun iyo doorashada

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa