Cuqaasha AWAL Bari oo si Buuxda Isugu Raacay in Beesha Subeer Awal Taageeraan KULMIYE

Burco-(KULMIYE.ORG)-Cuqaasha, sallaadiinta iyo madaxdhaqameedka Awal Bari, ayaa shir ballaaadhan oo ay saaka k yeesheen hudheelka Barwaawo ee magaalada Burco waxay si buuxda u taageereen go’aan dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo sheegay inay beeshu isku raacday sidii taageero buuxda loo siin lahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo.

Shirkan ka dhacay magaalada Burco ee lagu taageerayo go’aanka ay hore u soo saareen sallaadiinta Beesha Subeer Awal waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyaha Awal Bari X.Cabdillaahi Maxamed C/raxman, xildhiban Siciid Cilmi rooble iyo Cuqaal ay ka mid yihiin Chief-Caqil Cabdi Maxamed Siciid, Caqil Cabdi Maxamed Cigaal, Caqil Cabdi Siciid Maxamed, Caqil Cumar ibraahin Maxamed, Oday Axmed yasiin, oday Cabdi Cisman, Oday Curaagte Siciid, iyo weliba Guddomiyaha Beesha Cabdalle Cabdule (Cabdalle Qoyan) Saleban Cawil Abokor.


Shirkan waxa lagu taageeray hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Subeer Awal suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ee uu ku sheegay in beesha Subeer Awal taageero la garabtaagantahay xisbiga kulmiye, islamarkaana ay u arkaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE inuu yahay shakhsig qudha ee Somaliland ka saari kara marxallado badan.

Caqil Cabdi Maxamed Cigaal iyo Caqil Cabdi Siciid Maxamed aya iyaguna halkaas ka qiray kana caddeeyey taageerada ay beel ahaan u hayaan xisbiga KULMIYE, waxanay sheegeen Cuqaal ahaan inay u arkaan xisbiga KULMIYE mid waxqabad iyo horumar dalkan iyo dadkan u horseedi karo.

Labada Caaqil waxay ku eedeyeen xisbiga UDUB iyo xukumadda Rayaale mid wadda naxli abuur iyo colaad, waxaanay sheegeen in ballanqaadyo badan oo been ah uu u sameeyey shacabka reer somaliland siiba Gobolka Saaxil ay ku danbeeyeen Been, naxli iyo isku dir.

“Xukuumada iyo xisbigeeda UDUB waa mid wada naxli iyo colaad, waxaanay ku caanbaxeen ballanqaadyo beenoobey, gaar ahaan gobolka Saaxil, UDUB waxay ka shaqaysaa isku dir dadka dhexdooda ah, waxaanu leenahay waxaa iyo wixii ka sii daranba idinku taageeri mayno, idinkana dulqaadanmayno” sida waxa yidhi Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal

Caqil Cumar Ibrahin Maxamed iyo Sh.shaakir Bashe C/laahi, oo halkaa ka hadlay, ayaa si kulul u weeraray xisbiga UDUB iyo xukumadda Rayale waxayna labadooduba sheegeen in xisbiga UDUB uu Kaambayn u nqoday soo fadhista iyo ku hal qabsiga maytida, waxaanay sheegeen in hadalkooduba isugu soo ururay in wax ka daba yidhaahdaan Madaxweynihii xaqa ahaa ee Geesiga ahaa Maxamed X.Ibrahain Cigaal.

Caaqil Cumar Ibraain, ayaa xukuumadda ku dhaliilay in qaar ka mid ah wasiirada xukuumadu u tafaxayteen dacaayado isku dir oo ay ku gelinayaan dadka reer Berbera in lagala wareegi doono magaalada haddii ay xisbiga KULMIYE doortaan, taasoo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay caaqilku” WAXANU TAAGERSANAHAY,GARAB TAAGANAHAY,DHIIGANA U SHUBAYNAA MUJAHID AXMED MAXAMED MAXAMUD SIILAANYO” Ayu yidhi Caaqilku

Caaqil Cumar waxa uu si kulul u weerary hadal ka soo yeeshay Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub oo laba todobaad ka hor Burco ka sheegay in geeridii Marxuun Cigaal ay faa’iido ahayd, warkaas oo ay baahisay shebekadda Berberanews.com, ayaa waxa uu yidhi Caaqilku isagoo ka jawaabaya “Inaad maytida nagu soo hadal qaadaan oo aad maah maah ka dhigataan wallahi , billaahiidinka yeeli mayni, idinkana dulqaadanayn, mar walba ma waxaan iska dhego marnaa, maytida aad maahmaahda iyo halqabsiga xun ka dhigateen, dadka naxli iyo kala fogayn ayuunbaa u haysaane waxba dalka iyo dadka umahaysaane Ilaahay ha nakiin dhaafiyo”

Guddomiyaha Awal bari Xaji Cabdilahi aw Maxamed, ayaa sheegay in Danta dalka iyo dadkuba halka ay ku jirtaa tahay xisbiga kulmiye, wuxuuna sheegay in xukuumaddani caadadeedu noqotay qabyaaladda oo ah waxa ugu xun ee dalalka jarka ahi ku halaagmeen, wuxu sheegay in xusbiga kulmiye noqon doono kii qabyaaladda tirtiri lahaa.

Xildhiban Cali Mareexan ayaa isna munasibadda ka sheegay in marxuum cigaal iyo Axmed Siilaanyo ay saddex iskaga mid yihiin, Siilanyo iyo Rayaalena ay saddex ku kala duwan yihiin , isagoo ku sheegay saddexda cigaal iyo siilanyo iskaga midka yihiin waayo aragnimada, halganka, Nabadaynta ama nabad jacaylka, saddexda ay ku kala duwanyihiin Madaxweyne Rayaale iyo Siilaanyona yihii Ballanta sida fudud uu u galo madaxweyne Rayaale ee aanu fulin, hawlkarnimo la’aan oo uu ku sheegay in aanu madaxweynuhu waddankisaba war ka hayn kana soo degin daarta uu saaranyahay, isago Siilanyo ku sheegay masuul xafiiskiisa aan ka maqnaan jirin 8-da subaxnimo.

Qodobka saddexaad waxa uu ku sheegay musuqmaasuq badan oo madaxweyne isaguna uu 5 sano ahaa Guddiga dhaqaalaha ee barlamaanka, wuxu sheegay in Axmed siilaanyo aanu musuqmaasuqas shaqo ku lahayn.

Dr.cabdi aw Daahir ayaa isna halkaas uga hambalyeyey dhammaan ba cuqaasha iyo odayaasha Subeer Awal, waxaanuu dhammaanba shacabka ku booriyey in hadalada dicifika ah ee xukumadda rayaale aan dheg loodhigin, waxaanu ku sifeeyey masuuliyiin aan ku hadlayn wax nin weynu ku hadlo.

Ugu danbaynti waxa Beesha Awal Bari cuqaashoodu shirkan saaka ku caddaysay inay si rasmiya madaxa iyo mijoba taagersanyihiin lana barbartaaganyihin taakulayn axmed siilaanyo, waxana munaasibadda sidoo kale fadhiyey dhalinyarta awal bari oo dhan.

Dhinaca xisbiga Kulmiye waxa shirkaas goobjoog uga ahaa Xildhibaan Cali mareexaan, Mujahid Maxamed Kaahib, Dr.Cabdi aw Daahir, Xildhiban Sicid Cilmi rooble, iyo weliba xubno ka tirsan Golaha fulinta ee xisbiga kulmiye.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa