Dr. Gabboose oo Sheegay in KULMIYE ka Fogaan Doono Waxyaabaha UDUB ku Fashilantay

https://i0.wp.com/www.dhambaalnews.com/thumbs/Dr%20Gaboose1.jpg?w=620 Hargeysa-(KULMIYE.ORG):- Guddoomiyaha ololaha doorashada Gobbollada Bariga ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Xisbigoodu ka fogaanayo waxyaabo uu sheegay in Xisbiga talada haya ee UDUB ku fashilmay. Isla markaana, waxa uu ballan-qaaday Gabboose inaanay ummadda reer Somaliland ku maaweelin
doonin been ku soo noqota haddii ay talada dalka ku guulaystaan doorashada Madaxtooyada dalka ka dhacaysa 26-ka Bishan Juun.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, waxa uu sidaa ku sheegay War-saxaafadeed uu maanta ka akhriyey Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo uu dadweynaha kaga dalbaday inay la shaqeeyaan Guddiga doorashooyinka Qaranka, kana fogaadaan carqalado Xisbiga UDUB damacsan yahay inuu galiyo habsami-u-socodka hawlaha doorashooyinka. Waxa kale oo uu Gabboose bulshada ka codsaday inay aayahooda ka taliyaan, maadaamoo ay muwaadiniintu maanta haystaan fursad dhawrkii sana-ba mar soo marta dadka dalalkooda dimuquraaddiyaddu ka jirto.

Haddaba, War-saxaafadeedkaas oo uu Gabboose kaga hadlay arrimo fara badan oo doorashada, dimquraaddiyada iyo aayaha mustaqbalka Somaliland, kuna naqdiyayo Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigiisa UDUB, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Waxan u diyaargaroobaynaa waa doorasho; waa doorashadii Madaxtooyada; waa fursad muwaadinka ku nool dal dimuqraadi ah soo marta dhawrkii sanoba hal mar; waa fursad siinaysa muwaadinka awood uu aayihiiisa meel ku hubsado.

Bulshada reer S/lan waxa maanta horyaal dhowr hogaan oo u tartamaya talada dalka iyo dhawr barnaamij oo ay kala xambaarsanyihiin. Sidaa darted, waxa bulshada la gudboon kala doorashadooda ayakoo wax ka eegaya dhinacyo badan.

Hogaan kasta oo umadi doorataa wuxuu noqdaa labo midkood; mid ay umadaasi mahadiso oo badhaadhe u horseeda iyo mid ay bulshadu eedo oo ay gacmaheeda eersato. Umadi waxay uga feejignaataa inuu hogaamiye xumi talada u qabto, ayakoo xilliga doorashada, iska xakameeya danahooda gaar ahaaneed, mudnaantana siiya danta guud.

Ayadoo umaddu ka dheregsantahay waayaha qalafsan ee ay soo martay mudadii uu Dahir Rayale xilka hayey, maantana uu hunguriyaynayo inuu xilka sii hayo dhawr sanoo dambe; Xisbiga Kulmiye isagoo xambaarsan dareenka bulshadiisa; isagoo ka fogaanaya wixii ay UDUB ku fashilantay, wuxuu ballanqaadayaa in aanu umaddiisa been ku maaweelin, kuna hago xaqiiqada jirta.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ballanqaadayaa, hadii Eebe idmo oo uu talada qabto, inuu karaameeyo Diinta Islaamka ee ay bulshadeenu haysato, koriyana dhaqanka suuban iyo qiyamka qofka, si ay bulshadeenu u noqoto mid xilkas ah.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ballanqaadayaa inuu xurmeeyo xeerarka ay umaddu dhigatay, dalkuna aanu noqonin mid taladiisu ka go’do hal qof balse uu noqdo mid ay Hay’adiisa sharcigu hogaamiyaan.

Xisbiga Kulmiye wuxuu xoogga sarayaa, inuu abuuro nabadgalyo ka sees adag tan maanta jirta, isagoo u maraya dariiqa cadaaladda iyo horumarka.

Xisbiga Kulmiye isagoo ka shiidaal qaadanaya hanaanka dawlad wanaagga, wuxuu soo dhisayaa xukuumad tayo leh oo ka turjunta baahida dalka iyo waayaha bulshada.

Xisbiga Kulmiye wuxuu furidoonaa tartanka Ururada Siyaasadeed ee doorashada Dawladaha Hoose ee ugu soo horeeya, si muwaadinka kasta oo xilkas ahi u higsan-karo hogaaminta dalka, tayada xisbiyada Qarankuna u sugnaato.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ka fogaanayaa kana feejignaanayaa aafada uu leeyahay musuqmaasuqu, isagoo mudnaanta siinaya shaqo abuurid daboosha baahida qofka shaqaalaha ah.

Xisbiga Kulmiye wuxuu ku haminayaa isbedel siyaasadeed, waxaanu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda si nabadgalyo ah.

Hadaba, xisbigu wuxuu ballanqaadayaa inuu galo olole doorasho oo naxli la’, kana madhan xagxagasho, qadariyana milgaha iyo anshaxa ololaha doorashada, isagoo gudanaya waajibaadkiisa.

Sidaas awgeedd, wuxuu xisbigu kula dardaarmayaa bulsho weynta reer S/land inay u dedaalaan sidii doorashadu ugu dhici lahayd nabadgalyo, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye waxuu ku boorinayaa inay muujiyaan xilkasnimo iyo dulqaad dheeraad ah, una adkeystaan docodocayn kasta oo kaga timaada kuwa ka rajo dhigay doorashada, kana gubanaya isbedelka soo fool leh.

Wuxuu xisbigu uga digayaa taageerayaashiisa in aanay marnaba sharciga gacantooda ku qaadan ee ay ixtiraamaan lana shaqeeyaan Hay’adaha Dastuuriga, sida Komishanka Qaranka iyo kuwa amniga.

Dhanka kale wuxuu xisbigu ku boorinayaa, Hay’adaha amnigu inay ka qaataan kaalinta kaga aadan doorashada, hawshoodana u gutaan si dhexdhexaadnimo ah.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa