Beesha Baligubadle Oo Tageeradii Ugu Ballaadhnayd U Mujisay Xisbiga Kulmiye, Yagoo Ay Hoggaaminayaan Mas´uuliyiinta Beeshaasi. Daaawo Sawirad

https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14331d_2010-6-7-7-3-25f_diixood%5B1%5D.JPG?w=620

Hargeysa (Kulmiye.org) Kumanaan ka mid ah taageerayaasha uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay degmada axmed dhagax ayaa maanta soo buux dhaafiyay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo ay kula hadleen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas.

Dr. Dixood ayaa  madaxweyne rayaale ku eedeeyay in Axmed Siilaanyo oo uu 80 cod kaga helay isla markaana u daayay uu ugu abaal guday in uu rasaas nool ku rido, waxaanu ku dheeraaday in aanu abaal lahayn oo uu yahay abaal laawe.

.

Siyaasiga Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna halkaas ka hadlay ayaa ugu horeyn mahadnaq gaar ah u soo jeediyay taageerayaasha reer Axmed Dhagax oo uu ku amaanay in ay saaka muujiyeen cududooda, waxaanu kula dardaarmay in marka ay gaadho codaynta sida ay maanta isugu soo baxeen si ka fiican ugu soo dareeraan isla markaana xooga saaraan sidii uu xisbiga kulmiye talada dalka gacanta ugu dhigi lahaa.

Jamaal Caydiid ayaa dhinaca kale xukuumada madaxweyne rayaale ku eedeeyay in mudadii dheerayd ee ay xukunka haysay aanay waxba ka qaban baahiyaha aasaasiga ah ee shacabku qabaan waxaanu tilmaamay in ay ka gaabisay xilkii ay umadu u igmatay.https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14331d_2010-6-7-7-3-25f_diixood%5B1%5D.JPG?w=620 Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida uu barnaamijka xisbiga Kulmiye had iyo jeer ugu fadhiyo baahiyaha ay qabaan shacabka iyo  habka maamul wanaaga, waxaanu tilmaamay in buuga uu ka kooban yahay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigoodu uu yahay mid si weyn looga soo shaqeeyay isla markaana uu ku fadhiyo cilmi iyo aqoon.

Waxaanu xildhibaanku u soo jeediyay taageerayaashan in ay codkooda ugu deeqaan xisbiga Kulmiye si buu yidhi looga baxo mugdiga uu ku jiro dalka 8-dii sanadood ee ugu dambeeyay.

Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay mid laabta ka og xaalada ay ku nool yihiin dadka reer Somaliland, waxaanu balan qaaday haddii ay talada dalka ku guulaystaan in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka iyo baahiyaha ay tirsanayso umada reer Somaliland.

Ugu danbayntiina xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Mud. Keyse Xasan Cige oo la hadlayay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa u soo jeediyay in ay kala danbaynta ilaaliyaan isla markaana ku dedaalaan in wixii nabadgalyada khalkhal gelinaya ay ka dheeraadaan.

Xoghayaha guud ee kulmiye ayaa saray boogaha Xukuumada Madaxweyne Rayaale, waxaanu tilmaamay in intii ay uu xukunka hayay aanu waxba u qaban dadka reer Somaliland, waxaanu ku soo halqabsaday degmada axmed dhagax oo uu sheegay in aanay lahayn biyo, laydh iyo baahiyaha kale ee dadka lagama maarmaanka  u ah nolosha bini’aadamka.

Si kastaba ha ahaatee maanta ayay xisbiga kulmiye u ahayd  maalintii labaad ololaha doorashada, waxaana si weyn looga soo baxay degmooyinka ay ka kooban tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xigasho/Hadhwanaagnews