Goobjoogayaasha Caalamiga ah oo Ammaanay Doorashadii Madaxtooyadda ee Sabtidii Dalka ka Dhacday

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee kormeerayaasha ka ahaa sidii ay u dhacday doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee Sabtidii dalka ka qabsoontay, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen hudheelka Maansoor, waxay si sheegeen qaabkii doorashadu u dhacday oo ay ku sifeeyeen mid xor iyo xallaal ahayd.

Goob-joogayaashu waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin hannaankii iyo nidaamkii ay u socotay doorashada Somaliland, marka laga yimaado gobo ay ka jireen carqalado yar yar oo aan sidaa u weyneyn,

War-saxaafadeed wada-jira oo Hay’adaha Progressio iyo Unuga Horumarinta Qorshaynta Kulliyadda Jaamacadda London ay si wada jira uga soo saareen Doorashaddii Somaliland, ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu u dhignaa sidan;
“Hay’adaha Progressio, Unuga horumarinta iyo Qorshaynta ee Kuliyada Jaamacada London(The Development Unit of the university college of London), Iyo uruka Somaliland Focus waxay hambalyo balaadhan u dirayaan dadwaynaha reer Somaliland iyo komishanka qaranka, taas oo ku wajahan doorashadii sida nabad galyada ku dhacday ee dalka ka qabsoonaytay maalintii sabtidii.

Saddexda hay’adood ee kor ku xusan waxa marti qaaday komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland bishii January sanadkii 2009 inay xidhiidhiyaan hawsha goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010. Maalintii doorashada 59 xubnood oo ah goob-joogayaal caalami ah ayaa booqday goobaha codbixinta ee 6 da gobol, iyagoo la shaqaynaya 19 xubnood oo kale oo ka socday hay’ad fadhigeedu yahay Wadanka Maraykan, International Republican Institute(IRI).

Waftigan goob-joogayaasha caalamiga ahi waxay si wayn ugu faraxsanyihiin ulana dhacsanyihiin inay arkeen wanaaga badan ee ka muuqday doorashada Somaliland. Waxaana hambalyo gaara mudan horumarada laga sameeyay khaladaad hore oo jiray. Maalintii codbixinta waxay dadwaynaha Somaliland ka muuqday rayn-rayn iyo farxad badan, kuwaas oo u badnaa dumar. Waxa kale oo jiray isu soo bax balaadhan oo doorashada lagaga qayb galay, wallow ay jireen hanjabaadaha kooxaha islaamiyiinta ah inay khalkhal galiyaan doorashada, taas oo noqotay waxba kama jiraan. Guud ahaan se, doorashada Somaliland waxay u muuqataa mid buuxisay shuruudaha “DOORASHO XOR IYO XALAAL AH” oo ku wajahan doonista dadka Somaliland.

Mahad-gaar ah waxa iska leh gudiga doorashada Somaliland. Kartida iyo xilkasnimada shaqaalah komishanka, gaar ahaan kuwa ku sugnaa goobaha cod bixinta jiidaha hore, ayaa ahaa wax aad loogu farxo, wakhtigu haba ku yaraadee, hawshuna ha ku cuslaatee.

Xaqiiqdii waxa jira waxyaabo badan oo wanaag ah. Hase ahaatee waftigani waxa uu qabaa war-waro waxoogaa ah, taas oo aanu doonayno inay komishanka qaranku si fiican fiiro gooni ah ugu yeeshaan. Cabashooyinkaasna waxa kamid ah, si aan sharci ahayn in loo isticmaalay hantida qaranka, sida gaadiidka, olole firfircoon oo ay ka qayb qaateen shaqaalaha dawladu iyo saxaafada dawliga ah wakhtigii ololaha. Iyo cadaalad daro ay tirsanayaan saxaafada xorta ah, inkastoo ay tahay in carabka lagu adkeeyo in tabinta saxaafadu guud ahaan inay isku sinayd.

Hadaba walaacyada gaarka ah ee aanu qabnaa waa dhacdooyin ka dhacay gobolada Sool iyo Sanaag bari. Goobahaas qaar kamid ah codbixiyayaasha oo aan rabin ionay ka qayb qaataan doorashada. Usoo baxa doorashaduna wuu hooseeyay goobahaas. Waxana la soo sheegay goobo la carqaladeeya sanduuqyada codbixinta, ha ugu naxdin badnaato dhimashada hal ruux oo ah shaqaalihii komishanka ee Sool. Hase ahaatee hawlwadeenada komishanku waxay qabteen hawl fiican goboladaas iyo gobolada kaleba.

Meelaha kale ee walacu uu ka jiro ee aanu rabno inay fiiro gaara siiso Komishanku waa dagmada BORAMA. Dagmada Borama, goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxay arkeen caruur codaynaysa iyo kaadhadhka codbixinta ah oo si qaawan loogu qaybinayay dadka, oo ay qaybinayeen dad aan sharci u lahayn. Hase ahaatee, goob-joogayaasha caalamiga ahi waxay arkeen shaqaalaha komishanka oo talaabooyin adag ka qaadayaa dhacdooyinka noocan oo kale ah, sidaa daraadeedna ay soo jeediyeen inaanay saamayn ku yeelanayn natiijada doorashada. Si kastaba ha ahaatee waa arin u baahan in fiiro gaara laga yeesho.

Gabo-gabadii waftigani waxa uu rajaynayaa natiijo dagdag ah oo cad oo ay ku wada qancaan dhamaan saddexda xisbi. Iyadoo ay jiraan walaacyadaas sare, hadana waxaanu si kalsooni ah ku qeexaynaa inay habka doorashada Somaliland wakhtigan uu dhalayo doorasho “ Xor iyo xalaal ah”.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa