Guddoomiyaha KULMIYE Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Degmooyinka Sabo-wanaag, Caddaaley iyo Sallaxley

KULMIYE.ORG- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ahna musharaxa madexweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madextooyada, ayaa shalay booqashooyin ku tagay degmooyin Sabo-wanaag, Sallaxley iyo Caddaaley oo dhammaantooda hoos yimaada Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo dhammaan deegaanadaas uu maray oo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaa uu ugu horeyn booqday degmada Sallaxley oo meel fagaare ah uu kala hadlay dadweynaha ku dhaqan deegaankaas. Isaga oo u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida fiican ee loogu soo dhaweeyey deegaanka Sallaxley.

Md Siilaanyo waxaa uu sheegay in uu deegaankaas ka muuqato dib dhac aad u ballaadhan, isla markaana xukumada haysa talada dalka aanay waxba u qaban deegaanka Sallaxley. Isaga oo sheegay inuu wax ka qaban doono hadii uu ku guuleysto doorashada dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo dayactirka wadada isku xidha Hargeysa iyo Sallaxley oo iyadu ah wado rafa.

Dhanka kalena odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Sallaxley, ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in uu ilgaar ah ku eego degmada Sallaxley oo ay sheegeen in ay baahiyo aad u badani ka jiraan isaga oo Guddoomiyuhu dhiniciisa ka aqbalay, isla markaana balanqaaday inuu wax ka qaban doono baahiyahaas.
Sida oo kale waxaa uu Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], uu booqday tuullooyinka ay ka mid yihiin Bali-kaliil, Ina,Higare xarunta degmada Sabo-wanaag oo iyada ay hoose yimaadaan deegaanadaasi, waxaanu halkaas kaga dhigaystay dadweynahaas murashaxa madexweynaha ee xisbiga KULMIYE cabashooyin badan oo la xidhiidha heshiiskii ay xukumada Somaliland la gashay ganacasadaha Al-Jaabiri, kuwaas oo ay inuu dhibaato weyn oo xaga dhaqaalaha iyo xoolahoodi oo baabay ay sheegteen iyo waxqabad la’aan dhinaca adeegyada aasaasiga ah ee ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo ceelasha.

Ugu dambayntii waxaa uu xalay cawayskii gaadhay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], degmada Caddaalay oo iyadu taariikh aad u weyn ku leh dalka gaar ahaan wakhtiyadii uu socday halgankii ay jabhadii SNM dalka ku xoreynaysay, Guddoomiyuhu uu meelgaare ah isla xalay kala hadlay dadweyne aad u badan oo ku nool magaalada Caddaaley. Isaga oo ugu baaqay inay codkooda siiyaan, isla markaana uu wax ka qaban doono baahiyaha dhinaca adeegyada aasaasiga ah ee ka jira deegaanka.

Waxaana Guddoomiyaha xisibiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku wehelinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbigiisa.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa