Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye ooo Fagaaraha Ceerigaabo kala Hadlay Kumannaan Taageerayaasha

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Gudoomiyha xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye Axamed Maxmed Maxmuud (siilaanyo) ayaa kumanaan katirsan taageerayaasha xisbigaasi kala hadlay fagaaraha beerta xoriyada Nuura ee magaalada Ceerigaabo.

Guddoomiye Siilaanyo oo shalay fiidkii soo gaadhay magaalada, ayaa Waxa socdaalkiisa ku wheliya Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye kuxigeenka sadexaad C/raxmaan Tanyanle iyo Gudoomiyaha ololaha gobolada bari Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Boqollaal dadweynaha reer Ceerigaabo ah oo ku gaashaaman calanka astaanta u ah iyo boodhadh ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ay ku taageersanyihii Axmed Siilaanyo oo ay garab socdaan raxan fardooley ah, ayaa saaka ku waaberiistay fagaaraha Beerta Xoriyadda.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Siilaanyo oo dadweynaha halkaa kala hadlay, una mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyeen, ayaa sheegay in gobolka sanaag uu go’doon ka yahay gobolada kale ee Somaliland taasina ay sabab utahay xukuumada madaxweyne Rayaale oo ooku eedeeyey inay noqotay hoygii musuqmaasaqa iyo wax-isdaba marinta.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in gobolka sanaag oo Ilaahay ku nimcaystay khayraad dabiiciya, isagoo ballanqaaday inuu sii kordhindoono horumarinta gobolka Sanaag.

Gudoomiyihii hore ee xisbiga UDUB ee dhawaan xilkaa iska casilay Cali Ismaaciil Barre (Cali Qasaaye) oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu si buuxda ugu biiray xisbiga KULMIYE islamarkaana xukuumada madaweyne Rayaale aanay dalka waxba uqaban loona baahan yahay isbedel deg deg ah.

Gudoomiyaha ololaha doorashada ee gobolada bari Dr-Maxmed Cabdi Gaboose oo isna halakaa kahadlaya ayaa sheegay in xibiga kulmiye taageeradii gobolada bari uu hantay siiba gobolka Sanaag dadweynaha ku nool gobolkaasi ay diyaar uyihiin inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.

Waxaa isna halakaa ka hadlay gudoomiyahA saddexaad ee xisbiga kulmiye C/raxmaan Maxamed Talyanle oo ku dheeraaday fadhiidnimada iyo wax qabad la’anta xukuumada.

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isguna dhankiisa si weyn uga hadlay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga oo uu sheegay inuu cadyahay islmarkaana uu yahay cadaalada xukuumadooduna xooga saarayso shaqaalaha dawlada iyo ciidamada

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa