Guddoomiyihii Degmada Ballicabane oo Maanta Iscasilay

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddomiyihii Degmada BALICABANE Sulub Maxamuud Xarbi ayaa shaaca ka qaadey inuu iska casiley xilkii Guddoomiyanimo ee uu ka hayey Degmada Bali Cabane.

Sulub Maxamuud Xarbi oo maanta Shir jaarid ku Qabtey Magaalada Hargeysa ayaa cadeeyey inuu xilkii Gudoomiyanimo uu si Rasmiya Iskaga Casiley waxaanu sheegay in dadweynaha deegaankii uu Xukumayey ay waayeen Ballanqaadyadii Xukumadu u sammeysay taas Bedelkeeduna uu ugu Baaqayo Taageerayaashiisa in ay kulan ay iskugu yimaadan Xarunta BALICABANE Maalinta Beritoole oo uu ku Cadeyn doono Mawqifka Taageerayaashiisa iyo kiisa Gaarka ahba.

Guddomiyaha is Casiley oo ka hadley Sababaha is Casilaadiisa , ayaa isaga oo ka hadlaya Sababaha uu isku Casileyna waxaa ka mid ah “Sababaha aan iska ka casileyna waxaa ka mid ah markii aan arkey inuu maayarkii inuu cidlo yaalo ayaan go’aan gaadhey inaan iska casilo oo aan cidlo ku dhicin sidaa darteed aniga oo beri hadii ilaahey yidhaahdo xaflad ka furi doona Balicabane oo si faahfaahsan uga faalooni doona

Shirka jar’aad ka dib sulaalo ayaa la weydiyay Guddoomiyaha waxaa la weydiiyey dhawr su’aalood oo u dhacay sedan:

S:Madaxweynihii ayaa booqasho ku marayey gobolkaasi aad ka soo jeedo is casilaadaaduna waxey ku beegmatey isaga oo safar ku maraya gobolkaad maamulka ka aheyd wax saameyn ah ma ku yeelan kartaa socdaalka madaxweynaha iyo iscasilaadaasi?

J:Dabcan wey ku leedahay wax badan ayaa ka hor imanaya oo dhibaato ku keeneysa ballan qaadkii uu hore u ballan qaadeyna muu fulin Toddobo sanadood oo ballanaadaanu ku jirney,Toddobosano oo balanqaadyo kale ah kuma jireyno.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa