Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hambalyo u diray xukuumada iyo Shacabka Jabuuti

https://i0.wp.com/www.saaxil.net/warar2b/somaliland/aab/01/002/03/04/sv.jpg?w=620 Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta hambalyo u diray dhamaan Shacabka iyo Jamhuuriyada Jabuuti oo maanta oo ay taariikhdu tahay June 27, 2010, oo ku beegan Sanadguurada 33-aad ee ka soo wareegtay Markii ay qaadatay Xarnimadeeda.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa sidaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo galabta ka soo baxay Xafiiskiisa, waxaana uu Gudoomiyuhu warsaxaafadeedkaasi ku cadeeyay inay Umada Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin labada umadood iyo laba dal oo walaalo oo uu u dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer loona baahan yahay in markasta la wada shaqeeyo, waxaana uu Gudoomiyuhu u rajeeyay Shacabka Jabuuti inay ku noolaadaan Barwaaqo iyo Horu mar.

Waxaana uu warsaxaafeedkaasi u dhignaa sida “Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaasha xisbigaba, wuxuu hambalyo diiran u dirayaa Xukuumada iyo Shacabka Jamhuuriyada Jabuuti oo maanta oo ay taariikhdu tahay June 27, 2010, oo ku beegan Sanadguurada 33-aad ee ka soo wareegtay Markii ay qaadatay Xarnimadeeda.

Gudoomiyuhu wuxuu dhambaalkiisan ku cadaynayaa inay Somaliland iyo Jabuuti ay laba dal iyo laba umadood oo walaalo ah oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer , loona baahan yahay in markasta laga wada shaqeeyo horumarinta iyo balaadhinta Xidhiidhkaasi, Mudane Axmed Siilaanyo wuxuu u rajaynayaa shacabka Jabuuti Barwaaqo iyo Horumar.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa