Engineer Maxamed Cabdi Siciid Oo Maanta Burco Lagu Aasay Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U diray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuumku

https://i1.wp.com/www.togdheernews.com//images/stories/aaskiimcs.1.jpg?w=620Waxaa magaalada Burco maanta lagu aasay Eng Maxamed Cabdi Siciidoo baryahan dambe ku  xanuunsanayay magaalada Burco. Marxuumka EEBBE janadii Fardowsa ha ka waraabiyee waxaa maanta lagu aasay magaalada Burco.  Aaska Marxuunkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Dadwayne aad u badan, oo isugu jiray, Salaadiyiin, Cuqaal, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kuwaasoo kale ka yimi, gobolladda Soomaaliland.

aaskiimcs.3.jpgAqoonyahanadii Soomaaliland iygy horeyay, kana sheqeeyay goboladda Soomaaliya intoodda ayaa Raga Sida weyn Isu yaqaaneen, waxa ka midda Eng Maxamed Xaashii Cilmi, Isagoo sheegay inuu ahaa Marxuumku Nin wanaagsan , oo Qaran ,Isle markaana Qoysk Reer Cabdi Siciid oo dhan ayaa ah Dad Qaran, oo meelkasta laga yaqaan, wuxuuna Ilaahay uga Baryay inuu Naxaariista , Sidoo kale Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Mijir Qaadi Maxamud, Maxamuud Aadan Dhari,Maxamed Cabdi Dheere, Maxamed Cismaan Axmed, Suldaan Maxamed Cali, Boqor Gaacir iyo Ibraahim Dhegewayne ayaa dhamaantood oo hadlay taarikhda Marxuumka.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo isaga oo ku hadlaya magaciisa ka qoyskiisa, golaha fulinta xisbiga ,golaha dhexe ee xisbiga iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Engineer Maxamed Cabdi Siciid oo maanta lagu aasay magaalada Burco. wuxuuna ILLAAHAY uga baryayaa inuu marxuumka ka waraabiyo janadii Fardowsa dhamaan ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiin