Hargeysa: Xisbiga KULMIYE oo Maanta Qaab Cusub u Bedelay Isu-soo-baxyadii Taageerayaashooda

https://i1.wp.com/www.berberanews.com/images/DSC07369.JPG?w=620Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-13.May.2010-Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maalintii afraad ee ay u lahaayeen ololaha tartameed ee u dhexeeya xisbiyada kale maanta isu-soo-baxyo ka duwan kuwii hore ka sammeeyey magaalada Hargeysa, halkaasoo masuulliyiin ka tirsan KULMIYE uga jeediyeen khudbado siyaasiya oo dhinacyo kala duwan ku wajahan.
Isu-soo-baxyada taageerayaasha KULMIYE ee maanta waxa uu ku koobnaa inta badan xafiisyada uu xisbigu ku leeyahay xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasoo ay isugu yimaadeen boqollaal dhallinyaro, haween iyo wayeelba leh oo sitay calamada iyo astaamaha u gaarka ah, kuna dhawaaqayay erayo ay ku taageersanyihiin iyo sammeecado waaweyn oo ay ka dananayaan heesaha u gaarka ah KULMIYE ee ku saabsan ololaha.


Taageeraayaasha KULMIYE ee degmada 26-ka June, ayaa isu-soo-bax ay iskood isu soo abaabuleen ku qabsaday garoonka kubadda Cagta ee Xawaadle oo ahayd goobta qudha ee isu-soo-baxa ugu ballaadhani ka dhacay waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Ololaha Kaambaynka Hargeysa Xildhibaan Nac Nac, Xildhibaan Maxamed Cabdi Iskeerse, Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Axmed Cabdillaahi Xammarji iyo Faysal Cali-Sheek oo ka mid ah xisbiga KULMIYE.

https://i0.wp.com/www.berberanews.com/images/DSC07395.JPG?w=620Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo halkaa dadka kala hadlay, ayaa naqdiyey safarkii Madaxweyne Rayaale ku tegay Ceerigaabo iyo khudbadii dadweynaha u jeediyey oo uu ku sifeeyey mid uu ku caayayo caqliga dadweynaha reer Sanaag, islaarkaana mar kale ballanqaaday barnaamijyo uu todoba sano waxba ka qaban waayay, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa.”Walaalayaal Guddoomiyihii [Siilaanyo] iyo wefti uu hoggaaminayaa saaka ayay u amba-baxeen gobollada Bari oo ay ka bilaabayaan ololaha doorashada, markaa waxaan idin weydiinayaa Daahir Rayaale oo diyaarad lacagtii umadda ugu raacay Ceerigaabo kuna soo hunguubay miyuu la tartami karaa Mujaahid Siilaanyo? Daahir Rayaale inalama tartami karo Madaxweynuhu wadadii Ceerigaabo ee uu 7 sanno ka hor dhagaxdhigay ayuu maantana mar kale dhagaxdhigay oo yidhi waan dhisayaa, waxaan leeyahay dadku muqafaliin maaha oo waxbay kala garanayaan.”https://i0.wp.com/www.berberanews.com/images/DSC07379.JPG?w=620Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdillaahi (Xammarji), ayaa dadweynaha Degmada 26-June ku ammaanay inay hormood u yihiin isbedelkasta oo dalka ka dhaca, islamarkaana mucjiso ku sheegay magaca Degmada iyo maalinta loo asteeyey doorashadu inay qabsoonto ee 26 june oo isku beegmay, isagoo ka codsaday dadku degmadu inay codkooda ku hubasadaan xisbig KULMIYE, taa bedelkeedana hadii ay talada dalka qabtaan inay wax ka qaban doonaan adeegyada bulshada sida biyaha, laydhka, nadaafadda iyo waxbarashada.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka mid ahaa masuulliyiinti halkaa ka hadashay, ayaa sheegay in hub loo addeegsaday xorayntii Somaliland, maantana dadka looga baahanyahay inay codkooda dalka kaga xoreeyaan xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Daahir Rayaale oo uu ku tilmaamay inay markasta turaanturooyin u dhigayso qabsoomida doorashada madaxtooyadda.
Masuulliyiinta Xisbigaa KULMIYE waxa kale oo ay komeer ku soo mareen xafiisyo tiro badan oo ku yaalla xaafadaha kala duwa ee magaalada Hargeysa, iyagoo istaagayay xafiis kasta, islamarkaana taageerayaasha u jeediyey khudbado kala duwan, goob kasta oo ay istaagaana waxay kala kulmayeen soo-dhawayn ballaadhan oo sacab iyo mushxarad wadata.
Dr. Cumar Dixood, Xildhibaan Axmed Maxamed (Kijaandhe) iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Hargeysa Layla Cismaan, ayaa iyaguna xaafadda Falluja ee Koonfurta magaalada kala hadlay goob fagaare ah boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan xaafada, waxaana ugu horayn halkaa ka hadhay, ayaa sheegtay inuu fashilmay qorshe ay xukuumadu dadka kaga iibsanaysay kaadhadhka codbixinta doorashada, markii ay ku guul-daraysteen hanashada taageerada shacabkana ay xisbiga KULMIYE madaxdiisa ku tilmaamaan inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha xag-jirka ah,, waxaanay sheegtay cidda ugu dhaw ee arrimahaas lagu tuhmi karaa inay tahay xukuumadda oo aan weli soo bandhigin dadkii falalka argagixiso hore uga fuliyey Somaliland.
Xisbiga KULMIYE waxa uu saaka xadhiga ka jaray tobaneeye xafiisyo cusub a oo ku yaalla xaafadda Falluuja, kuwaas oo uu xadhiga ka jaray xildhibaan Nac Nac.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo wefti ballaadhan oo uu hggaaminayo, ayaa saaka u jarmaaday gobollada Barriga Somaliland, kuwaasoo ka bilaabay Gobolka Saaxil iyo deegaamada hoos yimaada oloaha doorashada, waxaana y uga sii gudbi doonaan Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa