Isu Soo Bax Balaadhan Oo Maanta Xisbiga Kulmiye Ku Qabsaday Magaalada Laascaanood, Daawo Sawirada

https://i2.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul12.JPG?w=620

(Kulmiye.Org)  Laascaanood,

Guud ahaan gobolada Somaliland waxaa si wanaagsani ugu socda ololaha doorashada madaxtinimada Somaliland ee saddexda xisbi Qaran mid walba taageerayaashiisa usoo bandhigayo wax-qabadkiisa marka uu ku guuleysto doorashada Somaliland ka dhaceysa 26-ka bishaan June.

Maanta oo aheyd isniin waxaa iska lahaa ololaha doorashada xisbiga kulmiye  iyadoo saaka magaaladaan laascaanood ee xarunta gobalkan sool ay ka duwaneed subaxyadii lasoo dhaafay, kadib markii magaalada ay halmar la ciir-ciirtay taageero xarigaha soo goostay oo ka socda xisbiga kulmiye.

https://i0.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul10.JPG?w=620

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo socod dheer kusoo maray waddooyinka waa weyn ee magaalada Laascaanood iyagoo watay Sawirada Madaxweynaha sharaxan ee maxamed maxamuud siilaanyo iyo Calanka xisbigaasi ugaarka ahaa  ayaa kusoo biya shubtay xarunta Dawlada hoose ee magaalada laascaanood, halkaasoo ay ku dhageysteen khudbado ruxay qaluubta taageerayaasha oo madaxda xisbiga jeediyeen iyo madax ka socota Xisbiga kulmiye oo ka Soo kicitimay hargaysa.

https://i2.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul5.JPG?w=620

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay fu´aad aadan cade ayaa isagu ka warbixiyey daahir riyaale iyo wuxuu yahay isagoo sheegay in daahir riyaale uu ahaan  jiray jaad wale isagoo shacabka soolna u sheegay in dhaartii ay dhaarteen xiligii  komishinka ay tahay mid aan xaq ahayn ayna dib ugu noqonayso madaxwaynaha haatan talada haya ee Ina riyaale waxaa kaluu fu´aad sheegay in gobolada bari ee somaliland dulmanyihiin gaar ahaan gobolka sool isagoo sheegay in dhakhtarka laascaanood uu yahay kii ingiriiskii ka tagey halka iskuuladana fasalkiiba ay galaan 100 arday,wuxuu fu´aad yidhi xisbiga kulmiye haduu guulasyto waxyaabo badan ayuu ka qaban doonaa hawlahaas oo dhan.

https://i0.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul4.JPG?w=620

waxaa isna ka hadlay isku soo baxan ay dhigeen taageerayaasha  xisbiga mucaaradka ee kulmiye,Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlay Hal qodob,kaas uu ku tilmaamay in qodobkaasi yahay in ilaahay kitaab inoo soo dejiyey kitaabkaas oo wax walba ay ku jiraaan,

dhanka kale wuxuu xildhibaanku sheegay in Siilaanyo uu yahay in siyaasi wayn ah oo la soo shaqeeyey dowladii hore ee somaliya garqanayana waxa maamul yahay,isagoo sheegay in siilaanyo balan qaadyadii uu ku soo qoray buugii ka hadlayey siyaasadi kulmiye uu ka dhabayn doono isagoo xildhibaanku sheegay in  siilaanyo uusan aqoon shayga beenta la yidhaahdo.https://i1.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul3.JPG?w=620

https://i2.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul2.JPG?w=620

https://i2.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul1.JPG?w=620Sidoo kale waxa kalmado ka soo jeediyay Cabdiwaaxid cabdiqaadir cabdiraxmaan isaga oo sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi isbadal doon ah oo wax weyn ku soo kordhin doona somaliland gaar ahaana gobolka sool,isagoo waliba sheegay in ay buugaagta ay bixiyeen ay ku qorantahay waxqabadka ay qabandoonto hadii ay doorashada ku guulaystaan xisbiga kulmiye.https://i1.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul6.JPG?w=620Madaxa ololaha gobolka sool faarax jaamac colaad ayaa isna halkaasi ka hadlay wuxuuna taageerayaasha kula balamay in ay codkooda u hibeeyaan xisbiga nabada iyo horumarka ee kulmiye wuxuuna hoga tusaaleeyay waxqabad la,aanta xisbiga UDUB isaga oo ku tilmaamay mid fadhiid ah.

https://i2.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul7.JPG?w=620Ugu danbayntii ayaa waxaa xaflada soo xidhay  qudbad dheerna ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka somaliland baashe maxamed cade,waxaana hadaladiisii kamid ahaa:- Gobolka sool waxaa la siiyaa wasiiro aan u qalmi shaqada ay qabanayaan isagoo tusaale u soo qaaday wasiirka boosaha,wasiirka reermiyiga,isagoo sheegay in aanay wasiiradaasi ahayn wax aan jirin meelna aan laga aqoon,isagoo sheegay in hadii xisbiga kulmiye uu guulaysto aan reer sool la siin doonin wasiirka boosta,kan ciyaaraha,kan kaluumaysiga oo dhamaantood ah wax aan jirin,wuxuu baashe sheegay in wasiirada somaliland ay gaadhayaan 55 wasiir halka sool la siiyo wasiiro aan jirin sida kan dhuxusha,kan boosta,

Yeeli mayno anagu siina mayno waxaas oo kale waxay heli doonaan wasiirka Maaliyada,kan maxjarka,kan macdanta, iyo wasiiro sar sare,

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii xisbiga kulmiye qabto talada in isimada Ssc ay soo galayaan magalaada laascaanood oo loogu tagayo meesha ay joogaan,Dagaalada iyo cooladan ka jirta Gobolada wada hadal lagu dhamaynayo.https://i1.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul14.JPG?w=620

https://i2.wp.com/kalabaydh.ipower.com/ktmllite/images/uploads/kul15.JPG?w=620

?