Isusoo-baxa Taageerayaaklka Kulmiye ee Magaalada Ceerigaabo

CEERIGAABO(Kulmiye.org)-  Waxa mar kale maalintoodii afraad fagaaraha beerta Xorriyadda ee Ceerigaabo isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Kulmiye  kuwaas oo halkaas kusoo bandhigay Boodhadhka ay ku qoran yihiin halku-dhegyo ka turjumaya taageeradooda xisbigan  Sawirrada guddoomiyha xisbigan iyo kuxigeenkiisa iyo weliba calammada iyo calaamdda xisbigan.

Isusoo-baxan waxa taageerayaalka kala qayb galay  Xubno sar-sare oo xisbigan ah  Xildhibaanno golaha wakiillada iyo Ganacsatada caanka ah qaarkood. Kuwaas oo isusoo-baxaylka uga mahad celiyey sid diirran ee ay u muujiyeen dareenkooda ku waajahan taageerada xisbiga Kulmiye.

Sidoo kalena halkas ka sheegay hadallo ku waajahan ololaha iyo is-abaabulka looga baahan yahay bulshada taageersan xisbigoodan  iyo in ay codkooda ku doortaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murashaxa madaxweynennimada Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo kuxigeenkiisa.

“Dhibaatooyinka jira innaka ayaa qayb ka ah waayo waayeelkeennii iyo salaadiinteennii iyo madaxx-dhaqameedkeennii ayaa intay Ina Rayaale u tagaan waxay odhanayaan beeshayadu adigay ku taageersan tahay  markaasuu buqshad yar wax ugu ridayaa oo ay qaadanayaan  markaa waxan leeyahay marka hore innaku aynu isa saxno Kulmiyena aynu dooranno”.. Sidaas waxa halkaas ka yidhi Gancsade-Cali Ducaale Faarax.

“Dalkeenna maanta meesha keliya ee Daahir Rayaale laga hadal hayaa waa (halkan Ceerigaabo) oo iydana uu diyaarad kaga soo degey isagoo waddadii iyo dadka dhexdiisa aammin darro uu ka qabo usoo mari waayey markaa nin dadkiisii kalsooni darro ka qabaa miyuu xukumi karayaa  waa maya”. Sidaas waxa fagaarahaas ka yidhi Xildhiban-Reyte.

malaa cidda horumar inna gaadhsiin kartaa waa xisbiga Kulmiye iyo Madxweynihiisa mustaqbalka Axmed Maxmaed (Siilaanyo)”. Sidaas waxa isaguna halkaas ka sheegay xildhibaan-dhaadheere.

”Maanta mar haddii Rayale halkan idiinku yimid oo aad dhegeysateen waxan u malaynayaa wixii aynu is nidhiba in aan waxba ka jirin waxan kaloo idiin sheegayaa maalin kasta marka doorashadu soo dhowdahay ayaa Rayaale yidhaahdaa wax kastaba toban cashaan ku dhammaynayaaye ila suga igu sima iyo Ii kordhiya taasina waa soo dhammaatay ballanteennuna waa 26-ka June iyo Kulmiye”. Sidaas waxa yidhi Mr-Reygal.

“Waxan idiin sheegayaa maalinta 19-ka  ee innaku soo dhow in uu halkan innooku iman doono guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markaa waxan idinku boorrinayaa si diirran in loo soo dhoweeyo oo taageeradiinna buuxda aad u muujisaan”. Sidaas waxa yidhi Xildhibaan C/raxmaan Talyanle guddoomiyaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye.

Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Madaxweyne-Rayaale maalmihii dhoweyd ee uu halkan joogey wuxu ka tegey dagaalkii musuqmaasuqa oo lacagtii yarayd ee uu bixiyey waa lagu dagaallamay waa intii yarayd ee la dhiibey ninkii ugu horreeyey iyo kii ku xigey iyo kii kusii xigey mid kastaaba boqolkiisuu kala hadhay baqiyatal-baaqiyihii soo hadhayna waa qaybsami waayey markaas ayaa dagaalku oogmey  waxan kaloo idiin sheegayaa sidii nin seexday oo kale ayuu ku riyooday isagoo waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhta sameeyey isagoo lacagta innaka beddeley iyo isagoo Ceel-afweyn  iyo Gar-adag biya macaan usoo saaray markaa waxan leeyahay xilligan oo ayaamal-macduudat u hadheen taasi waa wax dhammaaday wax la aqbalayona ma aha  sidaas aynu kacdoonka nabadgelyada ah u bilawnayna waxaynuna usoo jeednaa isbeddel nabadgelyo iyodoorasho iyo codkiinna gacmihiinna ku jira ku imanaya ballanteennuna waa 26-ka June ee innaku soo fool leh”.

Dr-Gabboose oo ugu danbayn isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Waxan idinku boorrinayaa madaxweyneheenna mustaqbalka Axmed Maxamed )(Siilaanyo) in aad si weyn usoo dhowaysaan oo shucuurta quluubtiinna ku jirta bannaanka usoo saartaan”. “Waxan idiin sheegayaa madaxweynaha tegey wuxu la tegey xukuumad NSS u badan waxana imanaya xukuumad kuwo qalbigoodu aanu madoobaan ee nool yahay  waxa meesha ka baxaya ballan qaadyo aan jirin iyo dhagxaan la dhigayo iyo waddo la samayn doono waxana imanaya ruunta iyo ballan qaadyada dhabta ah waxa meesha ka baxaya kala qoqobka beelaha walaalaha ah waxana imanaya midayn iyo turxaan-bixinta beeleha walaalaha ah  waxa meesha ka baxaya musuqmaasuqa iyo boobka waxana iman doona la xisaabtan iyo maammulka wanaagsan ee ummadda  waxa meesha ka baxaya horumar la’aan cafimaad la’an waxbarasho la’aan waxa ugu weyn oo meesha ka baxaya madaxweyne odhanaya anigaa og anigaa idhi  waxana imanaya madaxweyne odhanaya maxay idinla tahay iyo maxaan qabannaa”.  Wuxuna intaas kusii daray  “In kastoo Daahir Rayaale waxyeellooyin badan gaadhsiiyey xisbiga Kulmiye haddana waxannu leenahay waad socotee samo ku noolaw xisbiga kulmiye aarsan mayo weliba waxannu u ballan qaadaynaa madaxweyne tegaya wixii dastuurku u oggol yahay”.

Xigasho/Oodweynenews.com / CEERIGAABO