Laba Xildhibaan oo UDUB ka Tirsanaa oo Shaaca ka Qaaday inay KULMIYE Taageerayaan

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Labada xildhibaan Cali Aareeye iyo Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo labadooduba ka tirsan mudanayaasha xisbiga talada haya ee UDUB kaga jira Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay inay gebi ahaanba ka baxeen xisbigaasi, isla markaana taageerayaan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Labadan mudane oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamanka, waxay eedaymo culus u jeediyey xisbigooda, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale oo ay sheegeen inuu baabiiyey, sidaa daraadeedna waxay taageerayaashooda ugu baaqeen inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo murrashixiisa madaxweynaha Axmed Siilaanyo ay ku tilmaameen siyaasi ruug-caddaa ah oo dalka ka saari kara xaaladda uu ku jiro.

Md. Cali Aareeye waxa uu sheegay in dadka ka soo jeeda degaanka laga soo doortay ay ka baxeen xisbiga UDUB, isaga ku amreen in aanu u tagin haddii uu cod u doonayo, waxaannu yidhi; “Aniga reerkayagii siyaasada xisbiga UDUB way ka soo horjeesteen, waxaanay igu yidhaahdeen annaga ha noo iman adigoo UDUB cod u raadinaya, waxaan ummada reer Somaliland u sheegaynaa in xisbigii UDUB uu nagu dul baaba’ay oo aanay maanta joogin cid ka qaybgasha tartanka doorashada. Siyaasigana shacabka ayaa xukuma, markaa anigu dadkaygii ayaan raacay.”

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay shacabka gobolka uu ka soo jeedo inay taageeraan KULMIYE, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay reer Xariirad, reer Cabulqaadir, reer Ceel-gaal, reer Jidhi, reer Lowyo-caddo, reer Geerisa, reer Garba-darar, reer Lughaya, waa in aad taageero buuxda siisaan xisbiga KULMIYE ee isbeddelka quruxda badan dalka ka wada. Reer Somaliland-na waxaan leeyahay Siilaanyo waa siyaasi geesi ah, waa siyaasi halgankii laba jeer hoggaanka hayey, waa nin inala dabaalan kara, waa nin raadin kara ictiraaf, waa nin dalka dhaqaalihiisa beddeli kara, soomaalidu nin aanay aqoon ayey wax ka sheegsheegtaa. Axmed Siilaanyo waxaan isleeyahay nabsiga ayaa maanta wax siinaya, haddii maalintii doorashadii hore nin kale oo siyaasi ah la odhan lahaa 80 cod ayaa lagaaga helay dagaal buu ridi lahaa, waa nin dalka u tudhaya oo rajo ka qaba.”

Md. Aareeye waxa uu sheegay in isaga Madaxweynuhu yihiin rag saaxiibo ah, laakiin waxa uu kala tagay tahay oo keliya taageeradiisa iyo beeshiisa.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa isagoo ka waramayey ujeedada ay uga goosteen xisbigoodii, waxa uu yidhi; “Kadib markii aannu aragnay kala daadsanaanta xisbiga UDUB, wadashaqayn la’aanta, jahawareerka iyo welwel saameeyey taageerayaasha, kadib markii aannu u itaal-waynay in aannu wax ka qabano baylahaas iyo dhibaatooyinka baahay, annagoo ka turjumayna guuxa iyo dareenka shacabka Somaliland, xilna uu naga saaran yahay xaqna ay ugu tahay, waxaanu go’aansanay in aanu farta ku fiiqno oo u ifino shacabka cidii aanu doorbidayno inay dalkan iyo dadka ka furdaamin karaan baylahda baahday ee ku habsatay ummadda.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE

Hargeysa