Masuulliyiintii Gobolka Sool ee UDUB oo Gebi ahaantood Iska Casilay Xilalkii ay Hayeen.

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Iyadoo ay mudooyinkii ugu danbeeyay ay Socdeen Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland, ayaa waxa sare u sii kacaya Masuuliyiinta iska casilaysa Xisbiga Talada haya ee UDUB, taasi oo niyad jab iyo lama filaan ku noqotay madaxda sare ee xisbiga UDUB.

Masuuliyiintii Magaalada Laascaanood ee Xisbiga UDUB ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska Casileen xilkii ay u hayeen Xisbiga talada haya ee UDUB kuwaasi oo ku eedeeyay in aanu illaa hada haynin siyaasad cad oo uu doonayo inuu ku dhaqo shacabka Somaliland ee doonayo inay dib u doortaan.

Masuuliyiintan iscasilay oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Sool C/laahi Cabid, C/laahi Kubada iyo masuuliyiin kale ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ku biireen Xisbiga Kulmiye iyagoo ku eedeeyay masuuliyiinta Xisbiga talada dalka haya ee UDUB iyo Xukuumada inay hanankarin waayeen shacabka Somaliland iyagoo dalka iyo dadkaba midna aan waxba u qabanin

Dhinaca kalena waxa isaguna maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xisbiga UDUB, xubin ka tirsan Gudida fulinta ee xisbiga UDUB /naasir Maxamed Buuni oo maanta si ramsi ah ugaga dhawaaqay fagaaraha Khayriyada ee Boorame, waxaana uu xusay in xisbiga uu ka tirsanaa uu uga baxay siyaasad xumo.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa