Taageerayaasha Beesha Awal Bari oo Muujiye Taageeradaay Xisbiga KULMIYE U Hayaan


Hargeysa-(KULMIYE.ORG):- Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa xaflado kala duwan ku qaabbilay Siyaasiyiin Miisaan leh iyo Boqollaal teegarayaal cusub h oo ku soo biiray,
kuwaasoo lagu kala dhigay Hoolka Panaroma iyo Xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Xaflad ay ka soo qaybgalleen madaxada xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan ugu sammeeyey boqollaal dadweyne isugu jira dhallinyaro., haween,

madaxdhaqameed, iyo siyaasiyiin ah oo sheegay inay taageeradooda ku wareejiyeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa waxa lagu qabtay Hoolka Panarama, iyadoo

madaxda xisbigu si diiran u soo dhaweeyeen, una mahadceliyeen.

Odayaasha iyo madaxdhaqameedkii munaasibaddaas ka hadlay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay shir dhawaan la sheegay in beelaha Gobolka Saaxil ku yeesheen

magaalada Dacar-budhuc, kaasoo uu ka qaybgalaya madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, kaasoo lagaga arrinsanayay sidii loo taageeri lahaa xisbiga

UDUB, ayaa taa bedelkeeda xubnihii saaka ka hadlay halkaasi ku sifeeyeen waxba kama jiraan, islamarkaana ay taageersayihiin xisbiga KULMIYE oo aanay shaqo ku lahayn

UDUB.

Guddoomiyaha Beesha Awal-Bari Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan (Awal-Bari), oo Munaasibaddaa ka hadlay ayaa sheegay inay Beesha Awal Bari isugu jirto dad hore

Xisbiga KULMIYE u taageersanaa iyo kuwo maanta ku soo biiray labadaba, isla markaana, waxa uu meesha ka saaray Shir magaalada Dacar-budhuq ka dhacay toddobaadkan

oo lagu sheegay in Beesha Ciise-Muuse ku go’aansatay inay Xisbiga UDUB u codayso. Cabdillaahi Awal-Bari oo arrimahaa ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “Halkan dadka maanta

isugu yimi maha dad maata xisibgia soo galay ee waa dadkii xisbiga kuwa soo galaynay way ku mahadsan yihiin. waxaynu ku soo dhawaynaynaa oo taageeradeea ku

muujinaynaa mid hore iyo mid dambe Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed siilaanyo iyo Madaxdii Xisbiga oo dhan oo la socda.”

Guddoomiyaha Beesha Awal-Bari oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray; “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo, War habeen dhawayd ka soo baxay, waxa la yidhi

Ciisemuuse oo dhan baa shiray oo waxay yidhaahdeen aynu udub taageerno,, saddex burco ka yimi, afar berbera laga soo qaaday iyo waxooga uu Madaxweyne ku-xigeenku

soo ururiyey ayaa isugu yimi..Mmarkaa waxaannu leenahay Ciisa-muuse wayne maaha afarta nin ee Dacar-budhuq isugu yimi ee waakaa maanta halkaa isugu yimi ee

aakhiru licibkii tusay Xisbigiisii, inuu diyaar u yahay, waxna la qabanayo.”

Prof. Xasan Cali Cago, oo ka mid ahaa xubnaha hormuudka ah Beeshan maanta kulmiye soo dhaweeyey oo halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Inaynu dadka wax la qaybsano,

hoggaanka hore innagu qabsanno weeye, ninkii ka habsaamaa waa nasiibkii.. Waxa xisbi la yidhaahdaa qabiil maaha, Madaxweyne qabiil maaha ee waa umad, yaan lagu

nisbaynin Madaxweynaha soo socda ee Siilaanyo inuu reer yahay, waa nin ummadda ah, haddii lagu nisbeeyo waa meel ka dhac, haddii magaalo lagu nisbeeyo waa meel

kadhac. Waxba innagama xigaan doorashadii maalmo ayaa innaga xiga, insha allaah waxa dhawaan la arki doonaa dawlad kulmiye ah.”

Cabdi Raygal Beegsi, oo dhawaan iska casilay Xisbiga UCID oo uu xil ka hayay, ayaa sheegay inuu isagu yahay dadka maanta ku soo biiray Xisbiga KULMIYE, oo uu ku

tilmamay halkii guushu taallay. “Anigu dadka Xisbiga KULMIYE imika ku soo biiray ayaan ahay, dadkaygii oo KULMIYE isugu yimi ayaan ka daba imi, waanannu isku ogayn

inaannu xaggan u soo wareegno, kana baqan mayno dad wax arkaya, ishana saaray oo soo qiyaastay, una soo wareegno halka ay guushu taallo ku soo dhiirranno ayaannu

ku soo tashannay. Waxaanan leeyahay Annagu reerka iyo Xisbinimada la kala kexeeyo annagu waannu is-qabad-siin karnaa…” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Raygal.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu is-waydiinayo waxa is-waydaariyey magaalooyinka Berbera,

Boosaaso iyo Jabuuti oo uu sheegay inay labaatankii sano ee u dambeeyey xukumayeen saddexda dadkii u dhashay deegaan ahaan. “Waxaynu is waydiinaynaa maxay

Berbera maanta ku sugan tahay? markaan meel gaaban ka soo qaado waxaynu marag ka nahay 20-kii sano ee u dambeeyey saddex magaalo oo daris ah, waxa xukumayay

dadkii u dhashay Boosaaso waxa xukumayay deegaankeeda, Berbera deegaankeeda, Jabuutina deegaankeeda. Waxaan is waydiinayaa maxay labadii kalena horumar

xawliya ku gaadheen, Berberana dib ugu dhacday, maamulka Berbera joogaa 20-kaa sano isagaa xukumayay, ma dadkaynu ka caqli liidanaa, ma garasho ayaynaan lahayn

maxaa Berberana reebay labadii kalena kor u socdaan. waxay taasi innoo taallaa innaga iyo dadka berbera ku abtirsada ee Somaliland ka sheegta waa su’aal innagu maqan.”

sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Gebagabadii Xafladdaas Beesha Ciise Muuse lagu soo dhaweeyey waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna musharraxa

u taagan jagada Madaxweynaha , ayaa kalmado mahadnaq ah ugu horreyn ku qaabbilay Beesha Ciise-Muuse, waxaanu yidhi Siilaanyo; “Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga

kulmiye, madaxdiisa iyo taageerayaashiisa meel kasta oo ay joogaan, waxaan idin leeyahay hambalyo, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa, taageeraddiina aad ku

muujiseen xafladdan ballaadhan awgeed. Waynu ognahay maanta waxaynu u dareeraynaa doorashadii Madaxtooyada oo muddo badan innaga raagtay oo aynu sugaynay oo

aynu xoog iyo xoolaba u hornay. waxaynu doonaynaa inaynu maanta kaga dhabayno dimuquraadiyadda aynu muddada badan u soo samraynay. markaa walaallayaal waxaan

idin leeyahay waa inaynu si nabadgalyo ah u codayno doorashada oo ilaalinno nabadgalyada iyo hannaanka dimuquraadiyadda.”

Axmed-Siilaanyo, waxa uu ka hadlay Dekadda Berbera iyo sida ay dakhligeeda u maamuli doonaan haddii KULMIYE doorashada madaxtooyada ku guulaysto. waxaana ka mid

ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Dekadda berbera ayaa laga hadlaa, waa deked qaran, waa dekad aannu doonayno inay la tartanto dekada geeska afrika, ama noqota ta u

mudan Afrika, Berbera noqoto magaalo camiran oo socota oo nool, dadweynaha berbera iyo magaaladoodu waxay xaq u leeyihiin waxa dekadda ka soo baxa in lagu

hormariyo magaalada lafteeda, taana dhawr jeer oo hore ayaannu ballan-qaadnay, maantana waannu ballan-qaadaynaa.”

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxa uu dhalliilay maamulka Daahir Rayaale, oo uu sheegay inaanu waxba soo kordhin siddeed sano oo uu dalka ka talinayay. Waxa uu mar

labaad beeniyey, warar sheegayay in Xisbiga KULMIYE ku hanjabay in haddii uu talada ku guulaysto shaqada ka eryi doono dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda.

Hase ahaatee, waxa uu arrintaa ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo been UDUB iyo Xukuumaddu wadan. Waxaanu sheegay inay kala laba yihiin shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbigeedu.

Sidoo kale, xaflad kale oo ballaadhan, kana dhacday Hoolka Cali-Maarshaal, ayaa xisiga KULMIYE ku qaabilay siyaasiyiin culus oo uu hor kacayay Mr. Xasan Mawliid oo ka

mid ahaa Golaha dhexe ee xisbiga iyo boqollaal dadweyne ah oo taageerayaashiisa ah, kuwaasoo gebi ahaanka ka soo diga-rgtay xisbul-xaakimka UDUB, kuna soo biireen

xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiintan oo sidoo kale ay ka mid ahaayeen Maxamed Cali Foojig iyo Cabdillaahi Qaalib, ayaa sheegay in xisbigii ay ka tirsanaayeen ee UDUB uu bu buray, sidaa

daraadeedna ay go’aansadeen in ay iskaga baxaan kuna biiraan xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen xisbiga ay ku xidhantahay rajada Somaliland.

Xasan Mawliid “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaan xisbigii UDUB ee aan ku jiri jiray ka tanasulay, sababta ugu weynina ay tahay xisbigii oo dhismi waayey, oo bur buray,

markaa waxaanu go;aan ka qaadanay markii taageerayaashayadii ay garteen in meesha aanu ku jirnay ay noqotay meel duntay., taageerayaashayada ayaana goostay inay

ka guuraan oo ay KULMIYE ku wareegaan.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeya