Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE Ee Magaalada Berbera Oo Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Soo Badanaya

Berbera-(Berberanews/KULMIYE.ORG)-Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, boqollaal qof oo ka mid ah, ayaa maalintooda shanaad ee ololaha maanta isugu soo baxay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, kuwaasoo jidadka dhaadheer ee magaaladaas ku maray Baabuur tira badan oo isugu jiray kuwa xamuulka qaada oo dad buux-dhaafiyey iyo kuwo yar-yar oo ay koox-koox u wateen, iyada oo ay dacallada ka babbanayaan calanka KULMIYE oo ay taageerayaasha qaarkoodna labis ka dhigteen.


Taageerayaasha KULMIYE, ayaa iyada oo lagu jiro maalmihii u dambeeyey ee ololaha doorashada maalinba maalinta ka danbaysaa ay so badanayaan taagerasha xusbiga kulmiye iyaga oo kuso burqanaya sida mawjadaha bada oo kale xusbiga kulmiye waxa u manta isoo bax baladhan ku sameyey xarunta gobolka saxil gaar ahaan magalada berbera iyaga oo ad modo in malinba malinta ka danbaysa in siyasadi xusbiyadu cirka isku shareerayso oo xusbi waliba doonayo sidii uu u kasban lahaa codka Muwaadinta reer Somaliland.

Hadaba, manta waxa tageerayasha Xusbig Kulmye aya waxay iskug tageeen barxada wayn ee xafadda fiilandta u dhaw marki ay so dhamaysteen damashadki aya ku maraayeeen magalada gudaheeda iyo guudkeedaba waxana maanta halkas taagerasha xusbiga kulmiye hadal kooban halkas uga jeediyey madaxda ololaha doorashada iyo Xildhibaano ka tirsan Deeganka iyo Baarlamankaba, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxmed Faarax Qabille, Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur), Xildhibaan Yuusuf Axmed Maxamed (Halac-dhagoole) iyo Xildhibaan Gidhidhi, waxanay hadaladoodu iskugu soo biyo shubteeen inay ammaanka ilaaliyaan tagerasha xusbiga kulmiye wax kasta oo nabadgalyada wax yeelayana ay ka fogaadaan.

Mudanayaashani, waxay taageerayaasha KULMIYE ugu baaqeen inay codkooda siiyaan KULMIYE maalinta doorashada Madaxtooyada loo dareero ee 26-ka bishan aynu ku jirno ee Juun. Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga KULMIYE heer Gobol illaa degmo iyo Xildhibaannadaas, ayaa caawana taageerayaashooda waxay kala hadleen fagaaraha 26 June ee magaalada Berbera, maadaamoo ay magaaladu xeeb-tahay oo ay adagtahay inay masuuliyiintu maalintii khayriyada kala hadlaan taageerayaashooda kulaylka awgii.