Taageerayaasha Xisbiga kulmiye ee Magaalada Gabiley oo Si Wayn Iskugu Soo Baxay

Gabiley-(KULMIYE)-Taageerayaasha Xisbiga kulmiye ee Magaalada Gabiley ayaa sameeyay banaan bax aad u balaadhan oo ay ugu dabaal dagayaan maalintoodii todobaad ee xisbiga KULMIYE u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada, taasi oo ay kala qayb galeen Abiib Diiriye Nuur (abiib timacad), gudoomiyaha xisbiga kulmiye Amiin Muuse gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga KULMIYE iyo gudoomiye ku xigeenka garabka dhaliyarada ee xisbiga KULMIYE cuqaal salaadiin iyo waxgarad.

xaflada xisbiga kulmiye iskugu soo baxeen fagaaraha khayriyada Gabiley ayaa waxa ka hadlay Abiib timacad oo mahad naq balaadhan u soo jeediyay taageerayaasha xisbiga kulmiye sidoo kalana ku canbaareeyay dawlada in ay qoryihii waa waynaa, beebeeyadii iyo wax alaala iyo wixii bir ahaa ay iibsadeen, oo ay ka iibiyeen shirkad ku taal ABUDABAY.

Waxa kale oo uu Abiib taageerayaasha u sheegay in dawladu isku dayday in ay iibiso warshada sibidhka ee berbara ku taal oo ay ka diideen shicibku isla markaana ay isku dayeen in ay been sheegaan shacabka oo ay ku yidhaahdaan waxa la idiin soo wadaa warshad cusub sidaa daraadeedna dadka ku in loo bahanyahay in tan hore meesha laga qaado si takale meel loogu helo shicabkiina ay ka kadiideen waxaanu taageerayaasha way diiyay inay dawlada noocaas ah maantana codkooda siinayaan waxayna dhamaantood ugu jawaabeen hadal ay ku muu jinayeen cokooda taageero oo ahaa “codkayaga doolar sii san mayno, siiraanyoo diyaaraan saaka dooranaynaa”.

Waxa kale oo uu taageerayaasha ugu baaqay in ay fadhiga ka soo ka caan Raga, Dumarka, iyo dhaliyartuba oo maalita 26 Juun ay codkooda ku hubsadaan sanduuqa xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, si wadanka loo gaadhsiiyo horumar iyo ictiraaf .

Xuseen Cige Aadan oo ka mida qurbojooga reer gabiley ee taageersan xisbiga KULMIYE ayaa isaguna ka waramay muhiimada doorashadu leedahay iyo in ay muhiim tahay in wadanka isbadal ka dhaco, waxaanu intaa sii raaciyay in isbadalkaasina la doonayo inay umadu samayn doonto xisbiga KULMIYAna wuxuu ku sheegay xisbiga kaliya ee isbadal keeni kara soomaalilandna ictiraaf iyo horumar ku gaadhi doonto.

Waxa isaguna hadal ka soo jeediyay Axmed C/laahi Xareed (weerar) oo taageerayaasha ugu baaqay inaanay codkooda siinsanin laba kun oo harikooya ee ay siistaan hogaan daacada oo karti iyo dadaal dheeraada leh sidoo kalna ka xog waramay in ay soomaaliland sideedaa sano ee xilka hayay Daahir Rayaale Kaahin ay horumar ay gaadho daayee sii siqiirtay maantana ay cadahay in umaddu ka daashay oo u baahan tahay isbadal iyo hogaamiye kobcin kara wadankan curdinka ah.

Waxa kale oo uu sheegay weerar in maanta ay ku jirto soomaaliland marxalad adag oo ay u baahantahay in nabad galyada oo si buuxda loo sugo si ay doorasho xor iyo xalaal ah uga dhacdo illaahayna ka baryay in doorashadu si nabadgalyo ah u qabsoonto.

Waxa iyaguna hadalo ka soo jeediyay munaasibadaasi gudoomiyaha gobalka gabiley ee xisbiga KULMIYE, gudoomiyaha garabka dhaliyarada xisbiga KULMIYE Cabdi Cali Xirsi, Caaqil Cabdi Qawdhan oo dhamaantood ku amaanay taageerayaasha sida quruxda badan ee ay is kugu soo baxeen iyo sida ay markasta oo xisbigoodu dabaal dagayo isku soo abaabulaan oo xisbigooda KULMIYEna u muujiya taageerada daacada iyo wadaninimadu ku dheehan tahay waxaanay kula dardaarmeen taageerayaasha inay xisbiga dhinacooda ilaaliyaan xeerka anshaxa doorashada ee ko mishanku u samreeyay isla mar kaana aan lagu xad gudbin xuquuqda xisbiyada kale.

Xafladani oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ku dhamaatay jawi nabadeed iyadoo taageerayaasha xisbiguna ku muujinayeen taageeradooda calmaan iyo boodhadh waa wayn oo ay ku sawiranyihiin musharaxa madaxwayne iyo musharaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo C/raxmaan Saylici. Taageerayaasha iskugu soo baxay fagaaraha khayriyada ayaa ka badnaa kuwii maalintii ugu horaysay iskugu soo baxay si ay u taageeraan xisbigaasi, taasina waxay muujinaysaa in taageerada xisbiga mucaaaradka ah ee KULMIYE isasii libilaabtay marka la barbar dhigo maalmihii hore oo dhan.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa