Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE oo Isu-soo-bax Ballaadhan ka Sammeeyey Berbera

Berbera-(KULMIYE.ORG)-Olalaha doorashada Madaxtooyadda, ayaa maanta ugu buuxsantay xisbiga KULMIYE maalintiisii ugu dambaysay guud ahaanba gobollada Somaliland, waxaana saaka subaxii hore isugu soo baxay xafiiska dhexe ee uu ku leeyahay xisbiga KULMIYE magaalada Berbera taageerayaashii ugu tirada badnaa ee xisbiga KULMIYE u soo baxa abid la arko.

Munaasibada isu-soo-baxa waxa ugu horeyn kala hadlay taageerayaasha xisbiga KULMIYE Gudoomiyaha ololaha ee gobolada galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe iyo xoghaya fulinta ee xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Mustafe Maxamed Yoonis iyo weliba gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Dr. Shiine Cabdi Barkhadle iyo madax kale oo xisbigaasi KULMIYE ka tirsan waxaanay diirada saareen, kuna celceliyeen in dadku kaadhadhkooda ilaashadaan balankuna noqdo 26 June codka ay dadweynu ku hubsadaan caalamada xisbiga KULMIYE ee Dhexda ku jirta.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Berberi waxay muujiyeen isu soo baxii ugu balaadhnaa intii ololaha doorashadu socday xisbi ahaan, taageerayaasha oo saaka diiday inay baabuurta raacaan ayaa aad u jibaysnaa waxaana la odhan karayey kulaylkii ka dhacayey Berbera may dareemayn xamaasada ka muuqatay awgeed, waxaanay ku dhawaaqayeen weedho dhiiri gelinayaa musharaxiinta xisbiga KULMIYE u sharaxan jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Dhinaca kale waxaa caawa ka socota Kheyryada Berbera isu-soo-bax ballaadhan oo ay goobjoog ka yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Sammaale, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax iyo masuulliyiin tiro badan oo khudbado kala duwan u jeedin doona boqollaal taageerayaasha KULMIYE ah oo caawa isugu soo baxay

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa