Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo Maanta Marlabaad Ka Muujiyay Cududooda Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Burco

BURCO-(Kulmiye.org)-Taageeayasha xisbiga mucaaridks ah ee kulmiye ayaa maanta sameeyay isu soo bax balaadhan oo qayb ka ka wejiga labaad ee ololaha doorashooyinka kaas oo ay kala qaybqaateen taageerayaasha madax badan oo xisbiga kulmiye ka tirsan kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Mujaahid Maxamed Kaahin,Dr.cabdi aw Daahir,Xildhibaan Cali Mareexaan Xildhibaan Maxamed Jaamac Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Gudoomiyaha Gobolka Togdhjeer ee xisbiga Kulmiye Sahal Aadan iyo madax kale oo ka tirsan xisbigaasi.

https://i0.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/z405.jpg?w=620

Ugu horayn waxa halkaas kahdlay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal Aadan waxaanu sheegay in taageerayaasha xisbiga kulmiye ee maanta ay ka badan yihiin kuwii maalintii hore isu soo baxay waxaanu faray taageerayaashiisa in sida ay maanta u soo baxeen ay maalinta codkana ugu soo baxaan xisbiga kulmyie.waxaanu sheegay sahal in sanadkana ay failaayaan in xisbigiisu uu ku guulaysan doono in kadab 50 0000 oo cod.

https://i2.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/z410.jpg?w=620

Waxaa kale oo isnaka kahadalay xafladani Xildhibaan Cali Mareexaan oo sheegay in xiligan ay qaar ka tirsan shaqaalaha Dawladu ay ka qaybqaadanayaan ololaha doorashada kuwaasi  oo xisbiga UDUB u adeegaya waxaanu sheegay Xildhibaanku inay mamnuuc ka tahay in qof ka tirsan shaqaalaha dawladu arimahaasi oo kale inuu galo taas oo distoorka dalka u yaala ka xaarantimaynayo,Waxaanu intaa ku daray in xisbi ahaan iyagu aanay ka eryidoonin shaqada hadii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada dalka ka dhacaysa qofwalba oo aan siagu ka qaybqaadan Ololaha.

https://i1.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/z406.jpg?w=620Weaxa klae oo uu cali mareexaan ka hadaly shqo laanta ku habasatay dhalinayarada dalaka waxaanu ku tilmaamay inay ka masuultahay xukuumada hada jirtaa taas oo sheegayna in xiligan uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin u adeegsanayo hantidii qaranka ololaha kaas oo ku sheegay inuu ku kharashgaraynayo lacag badan oo ah hantidii dadweyanah.Waxaanu uga digay cid walaba oo hawlaha nocaas ah gacamaha kula jirtaa ay kala baxdohttps://i1.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/z408.jpg?w=620

Waxaa kale oo isna halkan ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sheegay  inuu la yaabanayahay in maalintii shalay ahayd oo ku beegnayd maalintii labaad ee xisbiga udub u lahaa ololaha doorashada madaxtinimada in saraakiishii ciidamada iyo maamulkii dawalada hoosaba ay ku hawlanaayeen lacag bixinta Ololaha Doorashada Madaxtinimada taas oo ku tilmaamay inaay tahay mid xaaraana oo aan marnaba aanu geli Karin ninka noocaas ahi hawlaha ololaha.

https://i0.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/z409.jpg?w=620Waxaa kale oo iyana xafaladani ka hadlay madax badan oo ka tirsan xisbiga kulmiye kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dr:.Cabdi Awdaahir,Xildhibaan Maxamed Jaamac,Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale oo badan waxanay dhamantoodba sheegeen  in waxa inbadanba la sugayay uu ahaa sibdedel khay rqaba kaasi oo ah xisbiga kulmiye waa siday hadalakooda u dhigeene.Maaha markii ugu horaysay ee taageerayaasha xsibiga kulmiye ee Gobolka Togdheer ay cududooda muujiyaan balse todobaadkan gudiihiisa ayay ahayd markii maalintoodii u horaysay ee ololaha Doorashada madaxtinimada ay ku muujiyeen taageerada ay ku leeyihiin Gobolkani Togdheer oo ka mid ah Gobolada ugu dadka badanhttps://i0.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/z411.jpg?w=620

Markay dhamaatay xafaladani ka dhacaysay khayriyada magaalada Burco ayaa waxa halakaasi ka bilaabmay baan bax socod ay ku mareen taageerayaasga xisbiga kulmiye kuwaasi oo ku gaashaana calamada iyo booskaadho ay ku sawiranyihiin  muasharixiinta madaxweyanaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbikgaasi.

Ugu Danbayntii waxyaabaha layaabka leh ee Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Burco ay keeneen ayaa haa iayada oo la isasoo dabageliayay Booyado biyaysan kuwaasi oo tiro ahaan gaadhayay ilaa 30 gaadhi waxaana ka barnarbaxaysay Heesta Kulmiye ee Midhaheeda ay ka midyihiin “Beeshu way Haraadee”taas oo dadka magaaladu ay dareeno kala duwan ka bixiyeen.

Waxaa kale oo iyana jiray in qaar ka tirsan caruurta magaalada oo iyana loo soo xidhay Dirays ka mid ah Uniformka lagu dhigto dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Xigasho/Oodweynenews