Tallaabda Rayaale kula Kacay Qoyska Reer Xaji Maxamed Ducaale Diiriye (Ilma Kulmiye),Waxa ka Xishooday Gacan Ku Dhiigle Janaraal Moorgan

5/06/2010 –

Hargeysa (Kulmiye.org)-Ururka wadaniga ah ee Horseed ee Gobolka Hargeysa, ayaa si ba’an u cambaareeyay weerarkii waxshinimada ahaa ee 2 June 2010 ay ciidamada ilaalada madaxtooyad Dahir Riyaale ku qaadeen qoyska reer Maxamed Ducaale Diiriye, ee degan gurigooda ka soo hor jeedka madaxtooyada, islamarkaana ku tilmaamay falkasi inuu yahay arrin foolxun oo ka soo hor jeeda dhaqankeena. Waxaanay ku baaqeen in si degdeg ah lxoriyadooda loogu soo celiyo qoyskaasi.

Sidaa waxa uu ururka Horseed ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay ka soo saaray Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha ururkaasi Mr. Calawi Cabdi Gaboobe, waxanu u dhignaa sidan:-

Waxaanu si adag u cambaaraynaynaa weerarkii waxshinimada ahaa ee 2 June 2010 lagu soo qaaday qoyska Reer Xaaji Maxamed Ducaale Diiriye iyaga oo aan waxba galabsan oo gurigoodii jooga ay ciidamada ilaalada madaxtooyadu ay sida naxariis darada ah ee bahalnimada ah ay u garaaceen Xasan Maxamed Ducaale, Xuseen Maxamed Ducaale, Sahal Maxamed Ducaale iyo inanta ay abtiga u yihiin Hodan Cumar Cismaan, kuwaas oo ka dibna ay xabsiga u taxaabeen, oo xataa hablihii (caarka ahaa) ayaa ka badbadaadi waayay.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ku dhaqaaqay waxaan la qaadan Karin oo aan inaga qaban kana baxsan dhaqanka qabaa’ilka iyo dawladahaba oo labadooduba midna ma ogola in lagu xad gudbo xurmada guriga iyo in gacan loo qaado hablaha, labadaasi arrimoodba waa shay xaaraan ah oo aan ka mid ahayn dhaqanka dadka gobta ah, oo keeni karana cawaaqib xumo weyn.

Tallaabdan Rayaale kula kacay qoyska ilma KULMIYE waxa ka xishooday gacan ku Dhiigle Janaraal Moorgan oo meesha deganaa sideetamaadkii markii uu dhiigu qulqulayay ee ay dagaaladu ka socdeen Goboladii Woqooyi la isku odhan jiray oo uu markaasi Xaaji Maxamed Ducaale Diiriye uu deganaa gurigiisa oo aanu ka bixin markii Hargeysa laga qaxay maadaama uu xanuunsanayay.

Waxa kale oo xusid mudan in inanta la xidhay ay tahay qofka kaliya ee ka soo hadhay ee ka nool qoyskii halyeygii weynaa ee aadka loo jeclaa Janaraal Canjeex oo isaga, xaaskiisa, dumaashidii iyo carruurtiisi ay ku shahiideen diyaaradii siday qaar ka mid ah madaxdii ciidamada, bulshada, ganacsatada ee gobollada woqooyi oo 1982-kii dhamaantood ay ku shahiideen diyaaradii ay dawladii naxariista darnayd ee Faqash ee uu Daahir Rayaale Kaahin uu ka tirsanaan jiray ay ku qarxisay iyada oo hawada maraysa!

Hadaba haddii aanu u soo noqono sababta mushkiladan dhalisay oo ah xafiiska laga kireeyay xisbiga KULMIYE waxa su’aal ah muxuu madaxweyne Rayaale hore uu uga kiraysan waayay meesha?

Ta kale gurigani wxa iska leh oo weligood deganaa qoyska reer Xaaji Maxamed Ducaale Diiriye ee cidda meesha ugu timid waa Rayaale.

Sidoo kale kuwa dhacdadan ka hadlaye ee ina Rayaale u hiilinayay waxaanu leenahay waxba kumaydaan hadline ee idinka oo aamusa ayaa idiin dhaantay.

Waxa kale oo la is weydiin karaa, ma ninka jaarkiisa kasban kari waayey ee sidan u galaya ayaa kasban kara oo dhiqi kara Somaliland???

Su’aashaasi jawaabteeda waxaanu u dhaafaynaa dadweynaha.

Gabagabadii ururka horseed ee gobolka Hargeysa waxa uu ku baaqayaa in si degdeg ah loo sii daayo qoyskan dhan ee la qafaashaye ee afduubka lagu haysto.

Sidoo kale waxaanu ugu baaqaynaa odayaasha iyo waxgaradka beesha ballaadhan ee Nuux Ismaaciil ee deegaanka Hargeysa inay si weyn wax uga qabtaan falkan bani aadminimada ka baxsan ee lagula kacay qoyskan oo haka gilgishaan dhacdadan foosha xun ee uu inagula kacay madaxweynahan muddadiisu gabaabsiga tahay.”

Xigasho/Jamhuuriya Online