War DegDega: Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda oo Caawa Iska Casilay Xilalkii ay Hayeen

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa caawa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii wasiirnimmo ee ay u hayeen xukuumadda.

Xubnaha is-casilay oo kala ah Wasiirkii Madaxtooyadda Somaliland Xasan Macallin, oo ahaa gacanta midi gee Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkii Wershadaha Axmed Cali Ubaxle.

Labada Wasiir oo caawa shir jaraa’id si wada jira ugu qabtay Hudheelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa, aya is-casilaadooda ku sababeeyey, ka dib markii sida ay sheegeen ay arkeen in xukuumadda Rayaale lumisay kalsoonidii shacabka oo aanay wax taageero ah ka haysan, sidaa darteedna ay goosteen inay iscasilaan, islamarkaana si ba’an u weeraray xukuumadda.

Is-casillaada labada Wasiir, ayaa noqonaysa dhabar-jabkii ugu weynaa ee soo food-saara xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan inay jiraan wasiirro hor leh oo la filayo maalmaha soo socda inay is-casilaan

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa