Wasiiradii iyo Masuulliyiintii Ugu badnaa ee Laba Cisho Gudahood Iska Casila Xukuumada

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Iyadoo habeen hore laba wasiir oo ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Rayaale iska casileen xilalkii ay hayeen, ayaa waxaa iyaguna iscasilaadooda ku dhawaaqay laba masuul oo kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland iyo Xisbigeeda UDUB.

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dib u dejinta Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa isaguna si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay dhamaan xilkii uu u hayay xukuumada Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigeeda UDUB oo haatan la filayo inuu isku sharaxo Doorashada Madaxtooyada ooh al maalin oo kali ah ka xigto shacabka Somaliland maalintii ay u dareeri lahaayeen Codbixinta Doorashada Madaxtooyada.

Sidoo kale waxa isaguna Iscasilaadiisa ku dhawaaqay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Irland ka dib shirjaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Sumer Time ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo ku sugnaa gudaha dalka.

Dhinaca kale Xildhibaano Golaha Wakiilada Somalilandka tirsan oo si weyn u taageersanaan jiray Xisbiga Talada haya ee UDUB iyo Xukuumada Somaliland ayaa sheegay in iyaga iyo taageerayaashooduba ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xisbigaasi. Isla markaana taageero u muujiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Xildhibaan C/kariin Awcali Shabeel iyo Xildhibaan Aareeye Oo xisbiga UDUB si wayn ugu ololayn jiray ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay kaga dhawaaqeen in ka digorogteen iyaga iyo taageerayaashoodu una digo rogteen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xisbigooda UDUB uu kala daatay, waxa wada shaqayn ahina aanay ka soconin Xisbiga, waxaana uu tilmaamay in muddo dheer islahaayeen wax saxa balse ay waayeen wax alaale wax hagaaga.

Xildhibaan Aareeye ayaa isna tilmaamay in Xisbiga UDUB awoodiisu ay ka ku soo ururtay Shakhsiyaad Koobanl, Golaha dhexe ee Xisbiguna aanuu jirin, waxaana uu taageerayaasha ugu baaqay inay codkooda siiyaan Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Xoghayihii xisbiga Udub ee gobolka Awdal Mawliid Daahir Allaale ayaa xilkii xisbigaasi iska casilay iyadoo uu sheegay in go’aanka iscasilaadiisu uu yahay mid isaga oo kaliya ku kooban

Si kastaba ha ahaatee iyadoo hal maalin oo kali ahi shacabka Somaliland ka xigto maalintii ay u dareeri lahaayeen Ololaha Doorashada Madaxtooyada ayaa waxaa kor u sii kacaya Garaaf iscasilaada Masuuliyiinta ka tirsan Xisbiga talada dalka Haya kaasi oo haatan isu diyaarinaya inuu ka qayb galo Doorashada Madaxtooyada, waxaanay talaabadan ay qaadeen mar walba niyad jab ku noqonaysaa masuuliyiinta Xukuumada ka tirsan Xisbiga UDUB gaar ahaan Madaxweynaha oo maanta si cad u sheegay inuu ka xun yahay wasiiradii iscasilay tanina ay u raaci doonto.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa