wefti uu horkacayo guddomiye Siilaanyo oo roog cas lagu soo dhoweyey magaalada oodweyne

Oodweyne-(KULMIYE.ORG)-Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxmud (Siilaanyo)ayaa maanta gaadhay Gobolka Odweyne.

weftigan oo ay ka mid yihiin guddomiye xigenka 1aad ee barlamanka, guddomiye xigenka 2aad ee barlamanka somaliland, guddomiyaha ololaha gobolada bariga somalland,a fhayenka xisbiga kulmiye, Guddomiye xigenka xisbiga kulmiye, iyo masuuliyiin kale oo ad u tiro badan ayaa halkaas kula hadlay dadka deeganadaas , waxayna isla galabtaba ku soo laabteen magaalada burco, kadib markii uu khudbado u soo jeediyeen shacabka reer oodweyne.

Guddomiyaha Iyo weftigisa waxay socod ku mareen Tuulooyin iyo degmada oodweyne oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Daadmadheedh , waxa uu dhammaanba dadka deeganadaasi u jeediyey khudbado uu kaga dalbanayo taageero, waxa iyaguna halkaas kala hadlay Guddomiyaha maamulada deeganadaasi.

Guddomiyaha iyo weftigiisa ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweyeey Gobolka Odweyne, waxaana markii weftigu soo gaadhay oodweyne ay dadka reer oodweyne u arkayeen in madaxweynihii dalka somaliland uu soo gaadhay oodweyne, qaabka loo soo dhoweyey Guddomiye siilaanyo ayaa lama filaan iyo argagax ku noqotay masuuliyiin ka tirasan xisbiga UDUB oo la sheegay in ay ku sugan yihiin oodweyne.

Guddomiyaha aya markii uu soo gaadhay oodweyne loo dhigay Roog cas, sido kale waxa weftiga lagu soo dhoweyey Baanboy iyo weliba cayaara dhaqameed lagu ammaanayey guddomiyaha iyo xisbiga kulmiye, waxaana halkaasi dadka kala hadlay xubno ka mid ah weftiga iyo xildhiban waabeeyo oo isagu weftiga ku soo dhoweyey degmada Oodweyne.

Abwaan barleex iyo abwaan diigaal ayaa munaasibadda ka soo jeediyey gabayo aad u qiimo badnaa, waxaana sidoo kale madasha lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed ay soo bandhigeen dhalinyaro reer oodweyne ahi, iyadoo ay dhammaanba farxad aad u weyn ka muujiyeen dad weynaha reer oodweyne weftiga culus ee u yimid.

Xildhiban C/casiis samaale oo ah Guddomiye kuxigeen barlamaanka ay hadalo uu ka jeediyey Odweyne ku ammaanay Xildhiabn waabeyo oo uu ku tilmaamay halyeey ka dhex muuqda Golaha Wakiilada, wuxu shacabka Oodweyne u sheegay in ood weyne oo lagu xaman jirey inay taha y UDUB ay maanta u quusgoyanayso xisbiga UDUB, isagoo sida qiimaha leh ee weftiga loo soo dhoweyeyna ku ammaanay.

Guddomiye Siilanyo oo isna munaasibadda kelmado kooban ka jeediyey ayaa shacabka reer oodweyne u sheegay in ay been tahay hadalo uu sheegay in xisbiga UDUB abuuray oo ah in xisbiga kulmiye dhammaan shaqaalihisii wato, shaqaalaha dawladda oo dhann la wada eryo doono lana bedeli doono, waaxana uu sheegay in xisbiga kulmiye sidii cid walba ugu shaqayn jirtey jirtey qaranka ay ugu shaqayn doonto, cidi shaqadeeda ka soo bixi wayda mooyaane, wuxuu sidoo kale u ballan qaaday reer oodweyn in waddo ay xukumadda rayaale ballanqaaday ayna wax ak qabanwayday uu isagu kaga dhabayn doono insh allaa.

Guddomiyaha xisbiga kulmiye Muj- Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa u sii jeeda dhanka Gobolada bariga somaliland sida Sool, sanaag iyo Cayn, waxaana weftigani aya dhamaan ba kulamo la soo yeelan doonaan shacab weynaha deeganadaasi

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa