Xisbiga Kulmiye oo isku soo baxii ugu balaadhnaa ka sameeyay Boorama

Boorame-(KULMIYE.ORG)-Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ee Kulmiye ayaa isku soo baxoodii ugu dambeeyay maalmaha ololaha doorashada Somaliland maanta ka sameeyay guud ahaan gobolada Somaliland, iyadoo kuwa magaaladaan Boorama ay maanta ka duwanaayeen maalmihii kana tira badnaayeen isku soo baxyadii hore.

Kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaaladaan Boorama ayaa socod dheer kusoo maray waddooyinka waa weyn ee magaaladaan Boorama, kuwaasoo watay Calanka xisbiga Kulmiye qaarkoodna dharkooda ka sameystay calanka xisbiga Kulmiye waxeyna siteen sawirada musharaxiinta M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylaci.

Taageerayaasha ayaa socodkooda dheeraa kadib kusoo biya shubtay fagaaraha kheyriyada ee magaaladaan Boorama, halkaasoo ay ka dhageysteen qudbado ay u jeedinayeen madaxda kala duwan ee xisbiga Kulmiye ee gobalkaan Awdal.

Musharaxa M/weyne K/xigeenka xisbiga Kulmiye Injineer Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci oo taageerayaashiisa kula hadlayay fagaaraha kheyriyada ee magaaladaan Boorama ayaa sheegay maanta inay tahay maalintii ugu dambeysay ee xisbiga Kulmiye ololaha doorashada isugu soo baxayeen, waxuuna u sharaxay qaabka ay ugu codeynayaan taageerayaashiisa xisbiga Kulmiye, isagoo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan mar walbana ka shaqeeyaan Nabadda.

Saylaci waxuu sidoo kale ammaan u jeediyay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolada kala duwan ee Somaliland, isagoo sheegay in xiligaan dalka u baahan yahay isbadal xoogan isla markaana uu dhamaaday sida uu hadalka u dhigay xiligii UDUB talada Somaliland heyn laheyd.

Ugu dambeyntii, waxaa madashaan isku soo baxa ololaha doorashada ee xisbiga Kulmiye Hees ka qaaday Fanaan aad u da’a yar oo magaaladaan Boorama ku dhaqan kaasoo heestiisa ku ammaanay xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Wafdi uu hogaaminayay musharaxa M/weyne K/xigeenka xisbiga Kulmiye Injineer Saylaci ayaa socdaal kusoo maray tuulooyin dhowr ah oo hoostaga magaaladaan Boorama, halkaasoo aad ugu soo dhaweeyeen taageerayaal fara badan, waxaana taageerayaasha la hadlay Injineer Saylac iyo madaxda xisbigaan ee gobalka Awdal kuwaasoo u sharaxay qaabka ay u codeynayaan uguna baaqeen inay Nabadda dhowraan.

Xisbiga Kulmiye maanta ayay kaga ekeyd isku soo baxii maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayaan taasoo ku saabsaneed ololaha doorashada 26-ka bishaan ka dhaci doonta Somaliland, waxaana xiligaan si xoogan ugu socda gudaha Somaliland diyaar garowga doorashada maalmo yar kadib ka dhaci doonta sida la filayo Somaliland taasoo ku tartamayaan saddexda xisbiga qaran ee Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa