Xisbiga KULMIYE oo Isu-soo-bax Ballaadhan ka Sammeeyey Shanta Degmo ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Kumannaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maanta oo ay ku beegantay maalintii labaad ee xisbigu u
lahaa ololaha doorashada isugu soo baxay gobollada Somalilanf, halkaas oo ay kula hadleen masuulliyiin ka tirsan xisbigu.

Magaalada Hargeysa ee Xarunta Caasimada ah, ayaa shanta degmo ee magaalada waxaa isugu soo baxay boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo sita

calamada xisbiga iyo boqollal gaadiid ah oo kolba dhinac u mushaaxayay, kuwaasoo ay ka baxayeen heesaha u gaarka ah xisbiga KULMIYE.

Isu-soo-baxyadii ugu ballaadhnaa ee KULMIYE maanta ka sammeeyey Hargeysa waxa uu ugu ballaadhnayd munaasibad ka dhacday Garoonka Kubadda Xildhibaan Axmed

Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo khudbad u jeediyey dadwaynaha, ayaa sheegay in shanta sanadood ee socda Xisbiga KULMIYE hadii uu doorashada ku guulaysto lagula

xisaabtami doono barnaamijkiisa siyaasadeed.

Xildhibaan Kijaandhe waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay codkooda siiyaan Murashaxa Madaxweynaha KULMIYE Axmed Siilaanyo oo uu ku sifeeyey nin mujaahid ah oo

dhibaatooyin badan u soo maray halgankii dib-u-xoraynta dalka.

Jamaal Caydiid oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay, ayaa si ba’an u weeraray xukuumadda Somaliland oo uu sheegay mudadii ay dalka ka talinaysay inay ka gaabisay

waxqabadkii looga baahnaa nay umadda gaadhsiiso, sidaa daraadedna shacabka looga baahanyahay inay codkooda ku bedelaan.

Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE oo la hadlaayey dadwaynihii isu soo baxa sameeyey ayaa sheegay in Xukuumada talada haysa iyo Xisbiga UDUB loo

haysto hantidii qaranka ee ay ku takri faleen, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyey in Daahir Rayaale uu yahay qof bilaa abaal ah oo sharafta garayn, waxaanu tusaale u

soo qaatay dhacdadii 2008-dii wakhtigaas oo ciidamada boolisku ay rasaas ku fureen guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaal la socda.

Dr.Cumar ayaa dadwaynaha uga digay cod ay siiyaan Madaxwayne Daahir Rayaale, isagoo dhanka kalena ka codsaday inay codkooda siiyaan Axmed Maxamed Maxamuud

Siilaanyo, kaas oo uu sheegay inuu yahay ninka dabooli kara baahiyaha aasaasiga ee bulshadu u baahan tahay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige oo ugu dambayntii hadal yar oo kooban u soo jeediyey dadwaynihii tirada badnaa ayaa sheegay in shacbiga reer

somaliland ay is badal u baahan yihiin, isagoo tilmaamay in wakhtigan uu isbadalku ku jiro xisbiga uu ka tirsan yahay, kaas oo gunaanadkii isu soo baxan dadwaynaha kula

dardaarmay inay foodka siiyaan Xisbiga KUMIYE.

Xoghaaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Keyse Xasan Cigeh oo munaasibada hadal ka jeediyey, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka horumar la’aaneed ee dhinaca adeegyad

aaas aasiga ah ee bulshadu u baahantay, isagoo tusaale u soo qaatay xaafadda Axmed Dhagax oo ka aradan.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa