Xisbiga KULMIYE oo Maanta Dhagaxdhigay Mid ka mid ah Waddooyinka Ugu BurBursan Hargeysa

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-15.May.2010-Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE ayaa maanta dhagaxdhigey mid ka mid ah waddooyinka dhibaatada ugu badan ay shacabku kala kulmaan oo, taasoo isku xidha xaafadaha Sheekh Madar, Cabbaaye, boqol iyo kontonka illaa suuqa hoose ee Hargeysa.

Wadadan oo qiyaasteedu gaadhayso illaa 4KM oo dherer ah, ayaa waxaa dhagaxdhigeeda goobjoog ka ahaa Masuulliyiinta Xisbiga Kulmiye Oo Ay Kamid Yihiin Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Madaxtooyada Ee Gobolka Maroodijeex Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (NacNac) iyo Gudoomiayaha Gobolka Maroodijeex Axmed Xaaji C/laahi Xamarji.

Axmed Cabdillaahi Xammarji

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga Kulmiye Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarji oo munaasibada xadhiga lagaga jaray dhismaha wadadaas ka hadlay, ayaa sheegay Wadadani inay Ahayd Ubucdii Hargeysa oo markii ay xidhantay la mari kari waayay, islamarkaana ay dad badani ku jabeen dhagxaanka dhextaalla ee roobku soo saaray, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa, “Wadadan Sh.madar waa Xuduntii Hargeysa, waxa gala madax aad u badan, Waxaa Gelijirey Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, waxa gala Gudoomiyaha Gobolka maroodijeex, waxaa galla Wasiiro , Runtii Ddadka wadadan ku jajabay Waxay Ka badanYihiin 100 qof oo Ah Dadkii Wadadan Maraayey.”

Mr. Xammarji waxa uu sheegay in markii ay u adkaysan kari waayeen burburka iyo dibaatada wadada Sheekh Madar ay xisbi ahaan goosteen In Ay iyagu Wadada Dadka ka dhisaan oo ay hagaajiyaan.

Gudoomiyaha Olalaha Doorashada Gobolka Maroodijeex oo Ah Madaxa dhismaha wadada Sheekh Madar, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay wadada Sheekh Madar ee hormarta Guriga Madaxweyne ku- xigeenka Somaliland oo ay hadda deganyihiin qoyskiisu ay tusaale fiican u tahay in madaxda dalku inaanay ka naxayn dadkooda.

Waxa uu Xildhibaan NacNac Sheegay In Iyagu Xisbi Ahaan Goosteen In wadooyinka Ugu Horeeya Ay wadadaasi Kamid Noqoto ,Waxaanu Sheega waataasoo waad arkeysaan waataa hadda Caro Tuulkii Ladhigaayo Anagu Beentii Udub iyo Dhagaxii Udub Masheegayno Waxaanan Balaqaadeynaa in Wadadaasi Ay Noqoto Wadooyinka Ugu Horeeya ee aanu dhisno.

Waxa uu Xildhibaan NacNac Dadweynaha ugu baaqay hadii ay doortaan Xisbiga KULMIYE inay u dhisi doonaan Wadoyinkaa, Waxaana uu Tilmaamey In Madaxweyne Kuxigeenka Somailand Garan Waayey In wadadaasi Uu Carro-tuul Dadka Kaga Shubo.

Mr. Nac Nac Waxa uu sheegay wadadani inay tahey mashruucii ugu Horeeyey Ee Xisbiga Kulmiye Dadweynaha Somaliland u balanqaado, isagoo Sheegey inuu aad ugu Kalsoonyahay In Balaqaadkaasi sidiisa u fulo.

Talaabada Xisbiga KULMIYE ku dhagaxdhigay dhismaha wadada Sheekh Madar waxay Ku soo Beegmaysaa xilli lagu gudojiro Wareegii Shanaad Ee Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo Lafilayo inay qabsoonto 26Juun 2010.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa