Xisbiga KULMIYE oo Maanta Xafiisyo Badan ka Furtay Magalada Hargeysa

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta Xafiisyo badan ka furtay Xaafadaha Haaf London, Axmed Guray, Suuqa Waaheen iyo Total.Munaasibadaha lagu furayay Xafiisyadan oo ka dhacday Goobaha ay ku yaalaan Guryahaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye, Marwada Musharaxa Madaxweynaha ee Kulmiye iyo Masuul ka tirsan Xisbiga.

Marwada Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Marwo Aamin Waris ayaa ka hadashay mid ka mid ah Xafiisyadaasi xadhiga laga jarayay ayaa soo dhawaysay taageerayaashan Xafiisyada furtay, waxaanay sheegtay in wakhtigan loo baahan yahay Isbedal ka dhaca Gayiga Somaliland, waxaanay ugu baaqday Bulshada Somaliland inay ilaaliyaan Nabadgalyada iyo kala danbaynta si ay inoogu suurto gasho Doorasho xor ah oo xalaal ah oo ka dhaca dalka.

Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo xafiisyadaasi xadhiga ka jaray ayaa u mahadceliyay taageerayashan xisbiga Kulmiy ee Xafiisyada furay gaar ahaan haweenay ku deeqday qaar ka mid ah Xafiisyadaasi

Xildhibaan Nacnac waxa uu ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye inay maalinta Jimcaha iskugu soo baxaan Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa, waxaana uu u soo jeediyay Taageerayaashaasi inay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa