Xisbiga UDUB Oo Barnaamijkooda Siiyaasi Yahay Kii sideedda Sanadood Dalka Baabi’yay

Xisbiga Udub ayaa noqday illa hadda xisbiga kaliya ee aan soo bndhigin waxa uu doorashada ku doonayo iyo waxaa dalka ku rabo inuu ku hogaamiyo !

UDUB waxaa lagu soo bartay siyaasad ah biyo la’aan, horumar la’aan musuqmaasaq, cadaaladxumo iyo maamul xumo intaba. Xisbiga UDUB waaa xisbiga dal ay hogaamiyaan daayo illa hadda ku guul daraystay inay samaystaan illa maantadan la joogana aan lahayn  gole dhexe iyo gole fulineed midnaba.

Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay muxuu yahay barnaamij siyaasadeedka xisbiga UDUB ee ay ku rabaan in lagu doorto?

Waxaa cad in xisbiga UDUB oo xaqiiq ah in xisbiga UDUB ka aradan yahay barnaamij iyo talo uu dalkan ku maamulo sidaa darteed ay jeclaysteen in barnaamijkoodu noqdo siyaasadoodii hoe ee sideedda sannadood ay dalka ku soo wadeen oo ah sida tan:-

  • ballan been ah iyo ddhagax hadba meel la dhigo
  • Biyo la’aan iyo tao la’aan joogto ah.
  • Caddaalad xumo iyo caga juglayn joogta ah
  • Caafimaad xumo iyo cisbitaalada oo duma
  • Iskuulada oo la wada xidho tiyo xumo darteed
  • Dhalinta oo tahriib badaha iyo saxaaraha ah ku dhamada
  • Musuqmaasaq iyo mushahar la’aan iyo madaxda oo jeebka buuxsada
  • Badda qaranka oo la kireeyo lacagtana madaxweynaha loo shubo

Hadaba qofkii xisbiga UDUB wali ka sugaya barnaamij siyaasadeed ha  ogaado in xisbiga UDUB uu ku dhawaaqay inay dalka ku maaulaan siyaasaddi hore ee dalku ku baaba’ay. Caqliga saliimka ah ayaa inna tusayaa in barnaamij cusub oo u soo socdaa aanu jirn xisbiga UDUB wakhtigii olalahana lagu jiro muddo aad u gaabanina ka hadhsantahay maalintii doorashada loo dareerayay.