Xoghayaha Arrimaha Debeda KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Dalka soo Gaadhay

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Masuulliyiin ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi , ayaa maanta ka soo degay Madaarka Cigaal Airport ee Hargeysa, halkaasoo ay ku soo dhaweyeen masuulliyiin, xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan.
Xoghayaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi oo shir jaraa’id ku qabtay Qollka Nasashada ee Madaarka, ayaa si weyn uga mahadnaqay dadweynaha iyo masuulliyiinta soo dhaweeyey, waxaana uu shacabka ku hambalyeeyey sida ay ugu diyaar-garoobeen doorashada madaxtooyad.

Maxamed Cabdillaahi oo ka hadlay ujeedada socdaalkooda, ayaa yidhi “Weftigan oo ah masuulliyiin xisbiga KULMIYE ka tirsan oo hawlo xisbiga ah debeda ugu maqnaa, ujeedada ay dalka ugu soo noqdeen waxa weeye inay kala qaybgalaan shacabka iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE hawlaha la xidhiidha doorashada madaxtooyadda, una horumariyaan nabadgelyada iyo dimuqraadiyada.”

Xoghayaha oo wax laga weydiiyey, maadaama uu yahay Xogyaha siyaasadda Arrimaha Debeda KULMIYE inuu ka warammo rajada ay bulshada caalamku ka qabto doorashada Somaliland, ayaa waxa uu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan cadaynayaa doorashooyinka maanta Somaliland gelaysaa aadbay uga duwanyihiin doorashooyinkii hore, doorashadani haddii ay si nabadgelyo, dimuqraadiyad iyo xor iyo xalaala u dhacdo waxay adduunyadu u muujinaysaa qaranmida Somaliland. Waxa kale oo ay muujinaysaa in qaranka Somaliland yahay mid la jaanqaadi kara mandaqada iyo wadamada kale ee caalamkaba, markaa muhiimadaas ayay leedahay, duniduna waxay doorashooyinkan ka sugaysaa inay innoogu dhacaan si nabadgelyo oo xor ah, haddii ay arimahaasi suurtogallaana dawlada ugu waaweyn dunida ee reer Galbeedku ka mid yihiin waxay ballanqaadeen inay wax la qaban doonaan dadka reer Somaliland, haddii ay noqoto xagga mucaawimooyinka iyo horumarka iyo haddii ay noqoto xaga siyaasadaba, markaa waa doorasho culays weyn ku leh qaranka Somaliland, loona baahanyahay si sharaf, nabadgelyo iyo xor ah lagu galo. Dawladaha waaweyn qaarbaa noo caddeeyey inkastoo aanay haboonayn in laga hor dhaco, in haddii doorashadu si nabadgelyo oo dimuqraadiyad ah ku dhacdo oo caalamkuna arko inay kordhinayso sumcadii qarankuna lahaa.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa