Xukuumadda oo Xallay Dhulka Dhigtay Calamada Xisbiga KULMIYE

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guud ahaan Magaalada Hargeysa ayaa xalay laga ururiyay Calanka iskugu jira Huruuda iyo Akhtarka ee astaanta u ah Xisbiga Kulmiye iyadoo ilaa hadana ay dadku iswaydiinayaan sababta loo sameeyay talaabadan.

Ciidamo Bilays ah oo ka tirsan kuwa Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa ayaa goor danbe oo xalay oo ay go’day lugta ay suuqyada iyo meelaha fagaarayaasha ka ururiyay Calanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Ciidamada ururiyay Calanka Xisbiga Kulmiye oo u socday koox koox, ayaan ilaa hada la garanaynin sababta rasmiga ah ee keentay in calanka Xisbiga Kulmiye laga ururiyo guud ahaan Magaalada Hargeysa iyadoo ilaa hadana aanay ka hadal Madaxda Xukuumada iyo kuwa Xisbiga UDUB, isla markaana lama garanayo cida leh amarka ay qaadeen Ciidamada Bilayska Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Talaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidamada Bilayska ayaa werwer badan galisay guud ahaan shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa taasi ay ku tilmaameen talaabo khalkhal lagu galinayo habsami u socodka Ololaha Doorashada iyo in aanay raali laga ahayn in dalka isbedal ka dhaco ama laga qabto doorasho xor ah oo xalaal ah, waxaanay inta badan dadku hadal hayeen kana warwarsanaayeen talaabadan tan ku xigta ee ay qaadi doonaan Masuuliyiinta xukuumada talada haysa iyo xisbigeedu UDUB.

“Tani dhacday oo aragnay, laakiin waxan ka baqayaa in waxan wax ka fool xun ay ku kacaan Masuuliyiinta Xukuumadu, ileen kolay iyagaa Bilayska soo amraye”. Ayuu yidhi mid ka mid ah dadka dhaqan magaalada Hargeysa.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa