Dallada Dhallinyaradda S/land oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub iyo ku-Xigeenkiisa

Anigoo ku hadlaaya magaca Dalada ururada dhalinyarada Somaliland SONYO, Yahye Mohamoud Ahmed waxaan jeclaaday in aan muujiyo dareenka dhalinyarada ee ku aadan hanaankii Doorashada madaxweynah iyo madaxweyne kuxigeeenku uga dhacday guud ahaan Somaliland taariikhdu markay ahayd 26 june 2010 . waxa kale oon jeclahay in aan wax ka tilmaamo kaalintii ururada bulshadu ka gaarahaan dhalinyarada Somaliland ay ka qaateen doorashada. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u marinaynaa dhamaan bahweynta reer Somaliland gudo iyo dibadba.

1. Marka hore waxaan Hambalyo iyo Bogaaadin Kal iyo Laab ah u diray Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa (Cabdirahmaan Cabdilaahi Saylici) waxaanan Madaxwaynaha Cusub Eebe uga baryay in uu eebe ku asturo oo ku guuleeyo Xilkaa iyo amaanadaa culus ee Maanta loo doortay .
2. Waxa kale oo aan hamablyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynihii hore mudane Dahir Riyaale Kaahin iyo xukuumadiisuba sidii hufnayd ee ay dalkan ugu hirgaliyeen doorashooyin xor ah waxaana xusud mudan sidii geesinimada lahayd ee Mudane Daahir iyo Ahmed yusufba ay u aqbaleen natijadii ka soo baxday doorashiidi madaxweynaha. Waxaan ilaahay ugu baryayaa in uu ka abaal mariyo jidkaa toosan ee uu bulshada u horseeday
3. Waxa iyana mudan oo aan la ilaabi Karin sidii geesinimada lahayd ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ay u guteen Waajibaadkii uu Qaranku u igmaday isla markaana ay u hirgaliyeen qabsoomida Doorasho Xor ah oo Xalaal ah.

4. sidoo kale waxaan halkan hambalyo ugu dirayaa dadweynaha reer soomaaliland sida quraxda badan ee ay uga qaybqaateen olalihii Doorashada , codayntii iyo sida quruxda badan ee ay ugu qanceen natiijadii ka soo baxday gudida komishanka qaranka waxaan dadwaynaha reer Somaliland ugu baaqayaa in ay ilaaliyaa nabadgelyada iyo wada jirka oo ay u midoobaan ka qaybqaadasha hawlaha ay wado dawladu

5. Waxa iyaduna baal dahab ah ka galay taariikhda Somaliland oo aan ugu faaiidaysanayaa in aan halkan ka bogaadinayaa qaabkii ay Ciidamada Qaranka Somaliland ay uga Hawl galeen ilaalinta Amniga dalka Somaliland oo dhan ka waqtigii lagu guddo jiray Ololaha Doorashada Madaxtinimo ee Somaliland

6. Anigoo ka faaiidaysanaaya fursadann qaaliga ah waxaan doonayaa in aan ugu mahad naqo kaalintii muga lahayd ee ay ka qaateen dhalinyarada soomaliland sida hawl wadeenadii komishanka qaranku u igmaday goobaha codbixinta , ha noqoto wakiilada xusbiyada iyo kuwii safaafka dhaadheer ku jiray sidii ay codkooda ugu dooran lahaayeen dareenkoodan u muujin lahaayeen.

7. Waxaan tacsi u diryaa dhamaan shacbiyga Somaliland gaar ahaan qosaskii ay ka bexeen dhalinyaradii ku naf weyday iyagoo ku guda jira hirgalinta hawlihii qaranku u igmaday

Guntii iyo gabo gabadii doorashan hufan ee ka hirgashay Somaliland iyo natiijadii ka soobaxdayba waxay fariin cad u tahay sida bulshada Somaliland gaar ahaan dhalinyardu ay u doonayeen isbedel dhab ah oo wax ugu filan ustaqbalka ay higsanayaan, ha noqoto abuurista fursado shaqo iyo fursado ka qaybgalka siyaasada dalka. Waxaanan ku rajawaynaha in xukuumada la doortay ay si taxadir leh uga fikiri doonto ka qayb galinata dhalinyarada dhismaha dawlad tayo leh

Allaa Weyn

Dalada dhalinyarada Somaliland SONYO