Dallada Negaad oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Gaboodka ururka Haweenka ee Nagaad ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Cusub ee la doortay, ka xilka ka sii degaya, shacabka Somaliland, Ciidamada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Ardayda Jaamacadaha oo kaalin wayn ka qaatay habsami u socodka hawlaha Doorashada, sidii haboonayd ee ay uga qayb qaateen inay dalka ka dhacdo Doorasho xor ah oo xalaal.
Gabood ururka Haweenka ee Nagaad ayaa sidaasi ku sheegay Warsaxaafadeed ay ku saxeexan tahay Agaasimaha Fulinta ee Negaad Aamina Xaaji Maxamuud Warsame (Aamina Milgo), waxaanay Illaahay uga mahadiyeen sida ugu suurogaliyay inay dalka ka dhacdo Doorasho si nabadgalyo ah ku dhacda iyagoo hambalyo u diray Guddi Doorashooyinka Qaranka oo xilkii loo igmaday ee xaasaasiga ah si xalaal ah u gutay, kuna shaqeeyay Daacadnimo, Wadaninimo, Geesinimo, Karti iyo Aqoon.
Gaboodka haweenka ee Negaad, waxay kale oo ay Hambalyo u direen Ardayda Jaamacadaha dalka oo kaalin wayn ka qaatay Doorashada, Shacabka Somaliland oo si nabadgalyo ah ku codeeyay iyo Ciidamada Qaranka oo haboon ugu hawlgalay sidii ay dalka ugu sugi lahaayeen Amaanka mudada ay socoto Doorashadu.
Ugu danbayntii waxay hambalyo u direen Madaxweynaha xilka ka sii degaya iyo ku xigeenkiisa oo ay sheegeen inay muujiyeen Dimoqraadiyada isla markaana Aqbalay natiijadii ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenka oo ay Illaahay uga baryeen inuu xilkaasi umadu u igmatay u fududeeyo, waxaanay ururka Negaad beesha caalamka ka codsatay in Somaliland lagu sed siiyo hanashada Dimoqraadiyada.
Gaboodka ururka Haweenka ee Nagaad oo ay ku bahoobeen 46-urur oo ku baahsan dhamaan Somaliland isla markaana shaqayaynayay Muddo 13-sanadood ah.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Kala soco warar hufan