Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo Hambalyeeyey Guusha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (KULMIYE.ORG)-Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee kormeerayey doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 ka dhacday Somaliland, ayaa soo dhaweeyey natiijada hordhaca ah ee Komishanku ka soo saaray doorashadii madaxtooyada, iyaga oo hambalyo kal iyo lab ah u diray madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo murrashaxiintii la tartamayey ee Daahir Rayaale Kaahin iyo Faysal Cali-waraabe.

Qoraal ay Goob-joogayaasha caalamiga ahi xalay ka soo saareen magaalada Hargeysa, waxay madaxweyne Rayaale ku ammaaneen sharaftii iyo hoggaamintii uu muujiyey mudadii uu xilka madaxweynenimada Somaliland hayey, isla markaana uu u adeegayey bulshada.
Waxayna goob-joogayaashu siyaasiyiinta reer Somaliland ugu baaqeen inay si buuxda u aqbalaan natiijada kama dambaysta ah ee maxkamada sare ka soo saarto doorashada madaxtooyada, iyaga oo tilmaamay in go’aankasta loo qaato hab ka turjumaya aayo-ka-tashiga bulshada iyo mustaqbalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, iyaga oo balanqaaday inay warbixin buuxda ka soo saari doonaan doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
Kala Soco Wararka Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo