Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u Saaray Tallo-bixinta Dawladad Cusub

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- “Madaxwayanaha Cusub ee lagu doortay doorashadii dalka ka dhacday 26 june ee sanadkan Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray manta ku sheegay inuu magacaabay gudi heer qaran ah oo ka tala bixisa dhismaha dawlad tayo leh oo looga fadhiyo dhismaheeda xisbiga ku guulaystay doorashadii dalka ka qabsoontay ee Kulmiye.

Madaxwayne Siilaanyo waxa uu warsaxaafadeedkiisan ku sheegay inay gudidani ka koobnaan doonto 14 xubnood oo isugu jira waayeelka Xisbiga kulmiye iyo wax-garadka qaranka kuwaas oo ka talo bixin doona dhismaha dawlad cusub oo tayo leh iyo hay’ado madax-banaan oo la abuuro.

Magacyada Gudida la magacaabay

1. Muuse Biix Cabdi Gudoomiyaha Gudidda

1. Dr Adna Aadan Ismail Gud Kuxigeenka Gudidda

2. Prof Xuseen Bulxan

3. Dr Maxamed Siciid Gees

4. Dr Maxamed Rashiid

5. Prof Ismail Muumin Aar

6. Cabdicasiis Maxamed Samaale

7. Baashe Maxamed Faarax

8. Dr Maxamed Cabdi Gaboose

9. Dr Xuseen Maxamoud Xoog

10. Xil Dr Ahmed Kijaandhe

11. Eng Maxamed Xashi Elmi

12. Xil Cabdiraxman Yusuf Cartan

13. Sheekh Maxamed Ali Gadhle

14. Muniir Abusite.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa