Madaxweyne Siilaanyo oo Xallay Munaasibad Saggootisa u Sammeeyey Qurbojooga Xisbiga

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xallay munaasibad sagootis iyo abaal-marin ah u sammeeyey qaar ka mid ah qurbojooga xisbiga KULMIYE ee ka qaybgalay ololihii tartanka doorashada Madaxtooyadda.

Munaasibadan oo lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo boqollaal ka mid ah qurbojoogii ka qaybgalay halgankii uu xisbiga KULMIYE ugu jiray hanashada dalka, kuwaasoo xubno ka mid uu Madaxweynuhu guddoonsiiyey shahaadooyin abaal-marinno ah.

Waxaa maashaas oo casho-sharaf ahayd ay isku weydaarsadeen madaxda KULMIYE iyo qurbojoogu khudbado u badnaa dardaaran, kaftan, mahadnaq, ballanqaadyo iyo weedho duurxul u badnaa oo ka soo burqanayay dhinaca qurbojooga oo ka dalbaday Madaxweynaha cusubi inuu ka fogaado dhismaha dawlad ku dhisan qabiil, balse ku dhisan aqoon iyo karti dadka iyo dalkaba wax u qaban kara, islamarkaana aanay iyagu dalka u iman kursi la siiyo, balse ay doonayaan isbedel wax u tara dalka iyo dadka.

Madaxda xisbiga KULMIYE ee madasha ka hadashay, ayaa iyaguna dhinacooda ka dalbaday qurbojoogu inaanay ka hadhin dedaalkii maaliyadeed iyo maskaxeed ee ay la garabtaagnaayeen xisbiga KULMIYE, kana dhawaajiyay dhibaatooyinka baaxadda leh ee horyaalla xukuumadda cusub, sidaa daraadeedna ay qurbojoogu sii labanlaabaan ka qaybgalka dhismaha dalka ee dhinacyada dhaqaalaha, waddooyinka, caafimaadka iyo waxbarashada.


Xidhiidhiyaha Qurbojooga KULMIYE Cismaan Saxardiid oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in habeenkani yahay mid qiime weyn oo ay sugayeen muddo sideed sanno ah, isagoo xusay inay xafladani sharaf gaara u tahay qurbojooga oo nasiib u yeeshay munaasibadii u horraysay ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland uu cid u sammeeyo, taasoo ay iyagu nasiib u heleen.

Mr. Cismaan Saxardiid, ayaa ka codsaday dhammaan dadkii xaflada isugu yimi inay faataxadda u diraan Alle ha u naxariistee Cali-maarshaal oo uu ku sifeeyey halgamayaashii aan nasiibka u helin inay soo gaadhaan guusha xisbiga.

Waxaa ka mid ah ahaa hadalladiisa Xidhiidhiyaha Qurbojooga; “Madaxweyne, qurbojoogu kursi ma rabaan, waxaanu u nimi mid aanu danaynaynay dalka iyo dadku inay cisi iyo sharaf ku noolaadaan, anaguna diyaarbaanu u nahay inaanu la sii shaqayno xukuumadda cusub.”

Mr. Cismaan waxa uu ku sifeeyey dorashadii dalka ka dhacday inay ahayd kacdoon shacbi ee aanay doorasho ahayn, “Dalka doorasho codbixineed kama dhicin ee waxaa ka dhacay kacdoon shacab, sideed sanno ayay shacabku u taagnaayeen sidii KULMIYE talada dalka u hanan lahaa” ayuu yidhi

Xidhiidhiyaha Jaaliyadda Xisbiga KULMIYE, waxa uu gebogebadii tallo ugu soo jeediyey Madaxweynaha cusub ee Somalilan inuu soo dhiso dawlad tiro yar oo tayo leh, islamarkaana aan ku dhisnayd hab qabiil.

Guddoomiyaha Ololaha doorashadii Madaxtooyadda ee gobollada Bari u qaabilsanaa KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin farabadan oo dalka horyaala, sidaa daraadeedna qurbojoga looga baahanyahay inay kaalin mug leh ka geystaan dhismaha dalka iyo dawlada cusuba, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa; “Guusha aynu gaadhnay waxaa gaadhay shacabka Somaliland, Waxaan fuulay buuraha waxaa marayay qurbojoog, waxaan maray bacadka waxaa marayay shacabkii kale,

Dalkan waxaa horyaalla mashaakil fara badan, dalkani wuxuu sugayaa ictiraaf, caalamka inuu ka helo dhaqaale, dalka waxa horyaala dhaqaale xummo baaxad leh, dalkan waxaa horyaala shaqo la’aan, dalkan waxaa horyaala wax badan oo xun oo maamul xumeeyey, dalkan waxa horyaala shaqo la’aan.

Dalkani wuxuu u baahanyahay xoogiinii iyo socodkiinii buuraha, haw qaadanina dagaal ee dagaalkii weynaa wuu hadhsanyahay, waxaa ka sii daran raggi jabhada waxa jiray kacdoon shacbi oo albaab kasta garaacayay, kacdoon shacabaa loo baahanyahay inaad albaab kasta garaacdaan sidii SNM, laydiinkama baahna shilimaadka aad qoysyaska u soo diraysaan ee wax aad u ballaadhan ayaa laydiinka baahanyahay.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inaanu xisbiga KULMIYE shaqayn kareen haddii aanu haysan taageerada qurbojooga, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa, “Wax badanbaa laynoo sheegay doorka ay qurbojoogu ka ciyaareen guusha uu maanta xisbiga KULMIYE gaadhay, wax cusub maaha wanaaga ay qurbojoogu Somaliland ka ciyaareen, maaha wixi ugu horeeyey waad ogtihiin halgankii ay ka soo ciyaareen dalka.

KULMIYE dhaqaale ahaan muu shaqayn kareen hadaanu taageerada qurbojooga haysan, biilka yare ee ay qaataan ayay u hurayeen KULMIYE iyo Somaliland, midhaheediina way hayaan maanta.

KULMIYE muxuu dheeraa labada xisbi ee kale? wuxuu dheeraa Idaacadad Hryaal awel maanu qiran jirine, maanta waanu qiranaynaa, xisbiyada kalena aadbay u maagi jireen.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ammaan ballaadhan u soo jeediyey , “Dadka qurbojooga waa kuwa jaamacadaha badan sammeeyey, iskuullada dhisay, illaa wadooyinka, dadkaasi waa kuwa dalku ku dhisanyahay, umadda Somaliland horumarkiisa iyo caafimaadkiisa, tacliintiisa iyo waxqabashadiisa door weyn ka ciyaaray Ilaahay waxaan ka baryayaa dedaalkaa aad wadeen inaad sii kordhin doontaan oo dhismaha dalka doorkaad ka qaadateen aad sii wadi doontaan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaa raaciyey; “Walaalyaal waxaa weeyey, waxaa kale oo aan idinka rabnaa inaad dardar cusub ku sii dartaan idinkood taageerayaasha KULMIYE ah ictiraaf-raadintii dalka, oo maanta doorashadii ay ummadda iyo dunidu innooga markhaati kacday, waxaan filayaa sumcad weyn ayay innoo tahay, oo doorashadaas nabadeglyada ku dhacday ay tahay wax qiime gaara uu caalamku innagu siinayo.
Waxaan tilmaamayaa doorashadii halkan ka dhacday doorkaad ka ciyaarteen, haday tahay dhiirigelin, guusha inteeda badana idinkaa lahaa

Madaxeynuhu waxa uu ballanqaaday inuu soo dhisi doono dawlad tiro yar oo tayo leh, islamarkaana dadkii u soo halgamay xisbigu aanay dhammaantood isbidin inay xil helayaan ee ay ku raalli noqdaan dawladda uu soo dhisi doono, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa, “Hawsha nala saaray Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu noo fududeeyo, maanta raaxo noma bilabmin, hawlbaa nooo bilaabantay, hawsha ay ummadu naga sugayso baxadda ay leedahay waad ogtihiin.

Waa iska dabiici in qofku damac yeesho, laakiin kuligeen dawladda kama wada qaybgeli karno, laakiin sidaad ku taliseen waxaanu soo dhisi doonaa dawlad kooban oo tayo leh, waad ogtihiin gudiyo ayaanu u saarnay.”

Gebogebadii waxa uu Madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah qurbojooga kaalinta firfircoon ka qaatay taageerada xisbiga KULMIYE.



Markii ay xafladu dhammaatay, ayay qurbojooga iyo Madaxweynaha cusub si wada jira ugu casheeyeen hudheelka ay xafladu ka dhacday, halkaasoo ay iskula halleeleen kaftan qosol iyo farxad badan oo dhexmaray.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa