Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Aqbalay Natiijada Komishanka Doorashooyina.

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa aqbalay natiijada ku-meel-gaadhka ah ee Komishanka Doorashooyinku xallay kaga dhawaaqeen magaalada Hargeysa, taasoo uu ku guulaystay Kursiga Madaxtinimmo Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici oo ka sharaxnaa xisbiga KULMIYE.

Md. Daahir Rayaale Kaahin oo waraysi siiyey laanta af-soomlaaiga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inuu si sharaf leh u wareejin doono talada dalka, islamarakaana hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee hadda xilka la wareegaya Axmed Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa. “Waxaan halkan ka sheegayaa in natijadaa komishanku soo saaray aan ogolahay, iyadoo natiijada kama-danbaysta ah ay maxkamadu shaacin doonto, waxaan hambalyo u dirayaa xisbiga guusha helay ee Axmed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Rayaale.

Madaxweyne Rayaale oo wax laga weydiiyey goorta uu la kulmi doono Madaxweynaha cusub iyo qaabka ay u dhici doonto munaasibada xil-wareejintu, waxaana uu sheegay inay si dhakhso ah u kulmi doonaan, islamarkaana sida sharcigu dhigayo bil gaheed ay xafada xil-wareejintu ku dhici doonto, taasoo uu xusay inay yeelan doonto meeqaamkii loogu tallogalay.

Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay inuu wakhtigiisa inta badan ku qaadan doono magaalada Hargeysa, islamarkaana isaga iyo ku-xigeenkiisu ay xubin sharafeed ka noqon doonaan golaha guurtida Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
kala soco wararka