Magaalada Hargeysa oo la Ciir Ciiraysa Farxad iyo Damaashaad

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Magaalada ee Hargeysa, ayaa la ciirciiraysa Kumannaan qof oo isugu soo baxay suuqyada, waddooyinka iyo Xafaadaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, ka dib markii 8:00 fiidnimo ee caawa Guddiga doorashooyinka Qaranku si rasmiya ugu dhawaaqeen natiijadii hordhaca ahayd ee doorashadii
Madaxtooyada ee dalka ka dhacday Sabtidii aynu soo dhaafnay, taasoo ay sheegeen in Musharrixiintii jagada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ugu tartamayay Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kuwaasoo cod aqlabiyad ah ku guulaystay doorashadaas.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa