Xisbiga UCID oo Bogaadiyey Guusha Madaxweynaha Cusub ee Somaliland

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay booqasho ugu tagay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna murashaxii jagada madaxweyneha ee doorashadii bishii hore 26-ka ka dhacday dalka.

Faysal Cali Waraabe oo uu xilligaa la socday guddoomiyaha Golaha wakiilada Mud. C/raxmaan Maxamed C/laahi oo si gaar ah ugu waramayay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in socdaalkiisani uu yahay mid bogaadin ah, ka dib buu yidhi markii ay dalka ka qabsoontay doorashadii madaxtooyadu.

Wariye Safiya Cali Yuusuf oo ka tirsan shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews, oo xilligaa guddoomiyaha kula kulantay guriga Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waydiisay booqashadiisa xilligani waxa ay daaran tahay waxaanu yidhi “Waxa aan u imid guusha la keenay ee dalka iyo doorashada uu helay ayaan ugu hambalyaynay”

Marka doorashada lagu dhawaaqo maxaad rajaynaysaa, maxaadse damacsan uu ku tahay “insha allaahu tacaalaa waxa aan rajaynayaa Somaliland oo midawda, shuushka oo ka baxa iyo cadaalad”

Komishanka doorashooyinka ayaa lagu wadaa in ay goor dhaw oo ay inaga xigto 2 saacadood ku dhawaaqaan natiijada doorashadii madaxtooyada ee 26-kii bishii hore ka dhacday.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa