Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Degmooyinka Sayla iyo 31-ka May ee Maroodi-jeex oo Kulan Taageero la Qaatay Murrashaxa KULMIYE

Hargeysa 21/5/2016 (Warbaahinta KULMIYE) – Madaxdhaqameedka, odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka degmooyinka Sayla ee Gobolka Maroodi-jeex iyo 31-ka May ee caasimadda Hargeysa, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.
Kulan ballaadhan oo qabsoomay maanta, ayaa Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno hoggaanka sare ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad – Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi-dheere ku qaabileen madaxdhaqameedka beesha deegaannada Sayla iyo 31-ka Moay (Ayuub) oo uu horkacayey Boqorka guud ee beesha Boqor Cali Xuseen Kaahin oo ay wehelinayeen odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta deegaannadaasi oo ay ka mid tahay Marwo Yurub Abiib oo ka tirsan xisbiga KULMYE.

Hadallo ay madashaasi ka jeediyeen madaxdhaqameedka iyo odayaasha oo ay ka mid yihiin Boqor Cali Xuseen, Chief Caaqil Aw Aadan Cabdillaahi Cali, Guddoomiyaha beesha Ayuub Axmed Muxumed Cabdi iyo weliba xubno ku hadlayey aqoonyahanka iyo odayaasha oo oo ay ka mid yihiin Eng. Cabdiqaadir Maxamud Jibriil, Yuusuf Bashiir, Maxamed Cali Bade, Ismaaciil Axmed Xuseen iyo qaar kale, ayaa dhammaantood isku raacay inay si buuxda u taageeranyihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ku tilmaameen inuu yahay murrashax ay ku kalsoonyihiin hoggaamintiisa dalka iyo dadkaba, waxaanay u ballanqaadeen inay taageero xoog iyo xoolaba ah la garabtaagan yihiin sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashada Madaxtooyada ee qorshaysan 13-ka bisha November 2017.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada uga soo baxay KULMIYE iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cabdi Daahir Camuud, ayaa soo dhaweeyey taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa ee odayaasha iyo waxgaradka deegaannadani muujiyeen oo ay ku tilmaameen mid markhaati u ah taageerada shacabka ay matalaan ay u hayaan xisbal-xaakimka Somaliland.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Maxamed Cali Bile oo la hadlay madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo qoonyahankaasi, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan ay qaadeen iyo muhimada ay taageeradoodu u leedahay xisbiga KULMIYE, waxa kaloo ay uga warramay tilmaamaha iyo qorshayaasha waxqabad ee uu hiigsanayo xisbiga mustaqbalka haddii uu mar labaad ku guulaysto talada waddanka.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagadaMadaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Degmooyinka Sayla iyo 31-ka May ee Maroodi-jeex oo Kulan Taageero la Qaatay Murrashaxa KULMIYE Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo soo gunnaanaday kulankaasi, ayaa uga mahadceliyey haldoorkaa miisaanka leh ee taageerada muhiimka ah u muujiyey, waxaannu dareen wanaagsan ku qaabilay aragtiyaha, tallooyinka iyo ballanqaadyada loo soo jeediyey.