UGU DANBAYN MUSHARAXA AAN DHISI DOONAA WAA MUUSE BIIXI CADBI IDINKA ALLE – Maqaal

Harg. 23/05/2017 – Aduunka maanta aynu korkiisa ku noolnahay dadku waxay doogsadaan markuu dalkoodu horumar gaadho, In dal horumar gaadhaana waxay ka soo burqadaa maskax hogaamiye hiraal fog leh oo dadkiisa u sawira sanado barwaaqo ka dibna ku shaqeeya siduu suuradaa suuralgalnimo ugu badali lahaa saboolnimada iyo saxariirkana badhaadhe iyo barwaaqo ugu badali lahaa.

Somaliland saddex marxaladood ayey soo martay oo kala ahaa Dibu-xorayn, Dibu-heshiisiin iyo Dawladnimo sadexdaaba way ka soo gudubtay wallow ay waqti qaateen, maanta waxa la taagan yahay xaaladii Daryeelka Bulshada ( Development Stage) Sanduuqaa horumarinta Somaliland ( Somaliland Development Funf) iyo Qorshaha Horumarineed ee qaran ( National Development Plan) labadaasiba waxa loo abuuray in bulshada lagu horumariyo oo saboolnimada iyo saymahan adag lagaga saaro oo ay noqoto dal wax soo saar leh si ay u suuro galaan himilooyinkaasi, maanta waxay loo baahan yahay Hogaamiye han iyo himilo durugsan leh oo dadka aan u kala talin qolobana meel ku hayne ummada u wada taliya oo dantooda ku jiheeya kala qoqobka iyo kala qaybsanaantana ka saara waxa lagama maarmaan ah inaynu doorano Ruuxi dedaalkaasi la iman kara ee ifafaalaheediina leh maadaama xaaladaa Horumardoonka kaliya lagaga bixi karo Xukun adag, Xirfas saraysa iyo jihayn bulsheed.

Maxamuud ahaan waxaan halyey iyo hormuud noqonayaa markuu dalkaygu horumaro oo dadku wada hodmaan, waxaan sumcad iyo sharaf aduunka kale ka helayaa markay dadkaygu isku filnaadaan dadyawga kalena wax gaadhsiiyeen, waxaan qof jira noqonayaa markan Qarankayga quweeyo ee aan qiimo u yeelo taasi si ay u suuro gasho waxaan ku qasbanahay inaan xusho Hogaamiye hirkaasi u hilaacaayo oo qalbigiisa ka guuxayaan ficilo horumarineed Afkiisana kaga dhawaaqaaya oo quluubta dadka yididiilo shidaal u noqota galinaaya, Hogaamiyahaas waxan ku xulanayaa dano Qaran xaasha dan qofnimo iga reeban, Xil, Xoolo, Xasaanad, Xaflad iyo xurmo gaara midna damacayga maaha waxaase ii muhiima inaan helo Qaran-barqaadeed Qoyskayga iyo qoomiyadayduba si xarago leh ugu noolaadaan inta nooluhu maalmaha aduun ku leeyahay.

Mudo ayaan anigu daraasadaynaayey musharixii aan Cududayda, Cilmigayga, Caqligayga iyo Cuudgaygaba ugu ciidamin lahaa si uu talada dalka Madaxwayne Siilaanyo ugala wareego, sadexda musharax ee maanta saaxada taagan laba waan la kulmay oo la sheekaystay waliba waydiimo mustaqbal oo danta qarankeenu saldhig u yahay la wadaagay halka ka sadexaad ay iiga muuqan wayday inuu diyaar u yahay talada dalka oo aan doorbiday inaanuu waqtiba igaga lumin.

C/raxmaan Maxamed C\laahi Cirro tiraba Afar jeer ayaan fool ka fool isu aragnay oo laba ka mida wada cashaynay halka labada kalena aanu waqti ku wada qaadanay gurigiisa, 2016 laba jeer ayaan Gudoomiye Cirro kulan dhalinyaro badani igu wehelinaysay la qaatay habeen Hotel hadhwanaag ayuu ka dhacay, habeen kalena waxaanu waqti badan kuwada qaadanay Hotel Maamuus labada hotelba Hargaysa ayey ku yaalaan, 05/05/2017 ayuu ahaa kulankii iigu danbeeyey, Illahay amarkiisa afartaa jeerba arin qaran marnaba nagalamuu hadal mid xisbi mooyaane hadaan hafraayana Alle waa I arkayaa, 2016 bishii ramadaan ayuu habeen casho noo sameeyey Hotel Maamuus 20 dhalinyaro ah iyo ilaa 8 Masuuliyiinta Xisbiga ah ayaa igu wehelinaayey casho sharaftaas,habeenkaas aniga Maxamuud ahaan Su’aal wax soo saarka dalkeena khuusaysa ayaan waydiiyey iyo wuxu ka damacsan yahay haduu talada dalka Alle ku guuleeyo, gabi ahaanba iigamuu jawaabin su’aashaa hoostaanse ka xariiqday doonistiisu halkay gaadhsiisan tahay, ilaa 7 muuqaal oo aan Gudoomiye Cirro ka daawaday intaan kala doorasha musharixiinta ku jiray mar kaliya hadal qalbigaga taabta oo mustaqbalka iyo aayaha dadkayga iyo dalkayga khuseeya kuma arag walaahi been ka sheegi maayo kaliya Danta Xisbiga Waddani iyo u mahadnaqa hadba cida ku soo biirta ayuunbaan arkaayey!.

Muuse Biixi Cabdi isaga laba jeer ayaan si toosa ula kulmay oo ku dhawaad 3 saacadood sheeko iyo dood wadaag la noqday 2016 ayuu markii koobaad ahaa oo 15 dhalinyaro ah ayaanu habeen gurigiisa ugu tagnay kaftan iyo faalo ayuu habeenkaa hadalkiisu u badnaa oo qoyska aanu ka soo jeedno ayuu nagula kaftamay wallow markii danbe uu duruufaha inugu gadaamin iyo shaqada qaran ahaan inoo taal nagala hadlay, halka marka kalena uu ahaa 21/052017 oo laba cisho ka hor ahayd wallow aan kaligay ahaa anigu Muuse waxa kulankaa ku wehelinaayey masuuliyiin Kulmiye ka tirsan, Muuse wuxuu igala hadlay tabaalada iyo tawsta ummadan haysata 26 kaa sano ee uu qarankani jirayba sida aan jihada horumarka si dhiba loo waajihin, sida baaxada leh ee horumar ugu heelan yihiin bulshadu, awooda dawladnimo oo ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo, hirgalinta saraynta sharciga oo waajib Dawladeed, sida uu kaabayaasha dhaqaale xooga u saari doono iyo talaabooyinka uu qaadi doonaba, 5 muuqaal oo aan bartan idinkula wadaagay ayaa markhaati iigu filan oo hadaad muuqaaladooda daawataan aad dhamaantood qodobadaa ka arki doontaan sida qiirada leh ee uu dhibtaa uga damqanaayo una dareemaayo maragana iigu furi doontaan.

Qofka waxa u qarsoon inaad ku xukuntaa waxay ka dhigan tahay adoo awoodaha Alle SWT sheegta waayo Binu aadamku Daahirka iyo ficilada ay iska arkaan ayuunbay isku xukumaan halka Sareeye waxa uurka ku jira isagoo kaliyi ku shuqul leeyahay, Jabaan maaganahaydii Cigaal shiidaad, uur deden iyo Af daboolan inaan cid ku xushaa waxay ka dhigan tahay anoo indho la’aan gudcur gudaaya, waxaan ku qasbanaaday inaan Cirro iyo Muuse waxaa afkooda ka soo burqanaaya iyo balanqaadyadoodaa ku kala xusho.

U fiirsasho dheer oo aan intaaba halkay danta qarangaynu ka soo ifayso darteed uga gaabinaayey inaan musharax garab istaago maanta oo Salaasa ah 23/05/2017 waxaan go,aansaday inaan Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi dhiso oo aan garab, gaashaan iyo gargaaraba u noqdo, waxaan tacabkayga tamartayda, talooyinkayga iyo tilmaamahaygaba gallin doonaa siduu Muuse Talada dalka ugu guulaysan lahaa, Xisbiga Kulmiye Xil kama doonaayo oo dhaqanba iima aha ku xamaalashada Xilal Xisbi kaliya waxa I deeqda Hogaanka Somaliland mustaqbal fiican u horseedi kara ana kaabayashayda nololeed ii kamili kara, Alle waxaan uga beryeyaa inuu Muuse himiladaas u hirgaliyo oo horumarka dadkiisa uu la jecel yahayna u rumeeyo ana aanu I tacab qasaarin ee aan noqdo mid ku faana tacabka uu hogaamiye haboon galiyey mustaqbalka Allahuma aamiin wabilaahi tawfiiq..

Maxamuud Axmed Baar-cad