Xisbi qaan gaadhay, kobcay oo kor u qaaday himilada Qarankiisa “KULMIYE” Dheh – Faallada maanta

Warbaahinta Kulmiye – May 23 – 2002-dii ayey   markii dhidibbada loo taagay xisbi Qaranka KULMIYE ee Somaliland. Maanta oo aynu joogno May 23 2017na waxa uu 15 jirsaday isaga oo hilaadinaya horumar iyo himilada qaranka oo rumowda, dibna fiirinaya guulaha toolmoon ee mugga leh ee uu ku tallaabsaday 15-kaa sano.

Tan iyo 2010 markii uu xukunka dalka qabtay kadib guushii taariikhiga ahayd ee 26 June 2010, wuxu KULMIYE Somaliland u horseeday horumar baaxad leh oo dhinac walba ah. Dawladdii uu soo dhisay Madaxweyne Axmed maxamuud Silanyo markii uu xukunka la wareegay waxay durbadiiba boodhka ka tuntay hay'adihii qaranka dhammaantood. Waxay bilawday dhismaha iyo tayaynta hay'adahaas iyada oo boqolkii cisho ee u horreeyey yoolkeedii bara dhaafisay. Waxa ay 10 laabtay miisaaniyaddii qaranka iyadoo isla markaana tayeysay amniga, waxbarashada, caafimaadka, is-gaadhsiinta iyo qaar kaloo badan. Waxay dawladda Xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Silanyo hoggaminayaa dhistay Xafiisyadii wasaaradaha iyo haya'daha qaranka oo dhammaantood manta ku sheqeeya xafiisyo si casri ah u qalabaysan.

Waxay ay dawladda KULMIYE xoojisay xidhiidhka caalmiga  ee Somaliland iyada oo ay dalka yimaaddeen xafiisyana ka furteen dalalka dunida ugu horumarsan sida UK, Turkey, Denmark iyo qaar kaloo badan. Waxa dalka ka hana-qaaday ganacsi xor ah oo si kalsooni leh u maalgashanaya dalka, kaas oo ka shidaal qaatay amniga iyo shuruucda dalka oo dhiirrisay.

Xisbigu waxa uu mar walba xoojinayey adkaynta dimuqraaddiyadda iyo kalsoonida shicibku ku qabaan isaga oo Madaxweyne Silanyo ku dhiirriyey inu furo axsaabta si shicibka Somaliland loo siiyo fursad ay kula soo baxaan saddex xisbi oo qaran mar haddii ay soo baxaday cabasho ahayd inay siyaasaddii qaranku u xidhan tahay saddexdii xisbi ee hore, arrintaas oo ay u tartameen in ka badan 12 urur oo markii dambe natiijadeedu noqotay inay soo hadhaan saddexda xisbi ee shicibka ka helay taageeradii u badnayd.

Waxa aan u baahnayn sheegis mashaariicda waaweyn ee mar la aragga ah ee Dawladda xisbiga KULMIYE dalka ka fulisay sida Waddoonyinka casriga ah ee dalka bari ilaa galbeed ka hirgalay, Madaarrada caalamiga ah ee inoo dhismay, iyo mashruuca qarniga ee dekeddeena Berbera oo insha ALLAH xambaarsan guulo dhaqaale iyo aqoonsi oo dhowaan la arki doono iyadoo Berbera noqon doonta xiddigta dekedaha geeska Africa insha ALLAAH.

Gebogabadii waxay Maanta Somaliland u xuubsiibatay qaran dhidibbo adag ku taagan oo u jihaysan horumar iyo himiladiisa kowaad ee ah aqoonsi caalami ah.  Xisbiga KULMIYE wuxu ku xusayaa 15 guuradiisa isagoo qaba kalsooni buuxda, kuna jihaysan sii wadidda horumarkaas uu bilaabay Madaxweyne Silanyo oo uu halkaa ka sii qaadi doono halyeyga loo dooray hoggaanka inu Madaxweyne Silanyo kala wareego oo ah Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi insha ALLAAH.

Waxanu leenahay ummadda reer Somaliland KULMIYE 15 jirsaye 20-guurada iyo guulo kale oo ballaadhan waxa keeni kara geesi himilo cad astaysta, ku hawl gala, kuna dhiirrada go'aannada adag xilliga loo baahan yahay. Ayo kale! Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Sannad guura wacan reer KULMIYE,

Kulmiye.com