Xisbiga KULMIYE oo furay tartanka kubadda Sancaani ee garoonka PEPSI-ga

Hargeysa 27/5/2017(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa furay tartanka Kubadda Cagta ee Garoonka PEPSI-ga ee magaalada Hargeysa ee bisha Ramadaan oo loogu magac-daray SANCAANI.

Xaflad loo sameeyey furitaanka tartankan iyo wareejinta agabka lagu ciyaari doono ee dirayska, billadaha, kubadaha iyo kubadaha oo uu bixiyey xisbiga KULMIYE, ayaa lagu qabtay garoonka PEPSI-ga maanta, waxaanna ka qaybgalay masuuliyiin ka socda xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Dheere iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Hadhiye, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo halkaasi ka hadlay, ayaa si wayn ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE taakulada agabka ciyaareed ee ballaadhan ee uu u qaybiyey dhallinyarada ka qaybgalaysa tartannada bisha Ramadaan ee dalka oo dhan.
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shukri Xariir, kana mid ah xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa hadalka ka jeedisay madasha waxay ku faahfaahisay tartankan kubadda cagta bisha Ramadaan ee ka furay Garoonka Pepsi-ga oo ay sheegtay inay ka qaybgalayaan 30 kooxood, kuwaas oo dhammaan agabka ay ku ciyaarayaan uu bixiyey xisbiga KULMIYE. Marwo Shukri waxay tilmaantay baaxadda taageerada xisbiga KULMIYE uu siiyo da’yarta, waxaanay tidhi, “Xisbiga KULMIYE wuxuu caan ku yahay dhiirrigelinta dhallinyarada Somaliland haddii ay noqoto ciyaaro, haddii ay noqoto shaqooyin, haddii ay noqoto ka qaybgalka siyaasadda iyo inay dhiibtaan fikradooda inta waa xisbigan KULMIYE waa mid ku caan ah oo barmaamijyadiisa, ballanqaadyadiisa iyo waxqabadkiisa intaba ay saldhig u tahay dhallinyarada Somaliland in xisbigani il gaar ah ku eego oo uu kor u soo qaado wadcigooda iyo garaadkoodaba si ay dalkooda wax ugu tareen.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa sheegay in bixinta agabkan ciyaareed iyo booqashada garoonka Kubadda Cagta ee Pepsi-gu aanay ahayn wax ku cusub xisbiga ee ay yihiin wax ay wadeen sannadihii u dambeeyeyba.
“Haddaanu nahay xisbiga KULMIYE dhallinyarada reer Somaliland ee ku nool dhammaan lixda gobol ee Somaliland waannu ugu talogalnay oo waanu gaadhsiinay sannadkii hore iyo sannadkanba bisha Ramadaan in aannu ku taageerno qalabka ciyaaraha ee dirayska, kubado, koobab iyo billadaba. Dhallinyaradana waxaannu ku dhiirrigelinaynaa inay ciyaar hufan oo qurux badan oo isu soo dhawaysa dhallinyarada oo dhan inay ciyaaraan, bisha Ramadaana ay ka fogaadaan wixii aan wanaagsanayn ee aan ciyaaraha uun ahayn,” ayuu yidhi Md. Axmed Cabdi Dheere.

Ugu dambayntii, tartanka garoonka PEPSI-ga ayaa si rasmi ah loogu furay labada kooxood ee Dayib Guray iyo Khadar Farniture.