Xisbiga KULMIYE oo soo dhoweeyey taageerayaal cusub oo ka kala tirsan afar degmo oo caasimadda Hargeysa ah

Hargeysa 20/05/2017 (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE ayaa soo dhaweeyey boqolaal taageerayaal cusub ah oo ka kala tirsan degmooyinka Gacan-libaax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo 31-ka May ee caasimadda Hargeysa.
Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, ku-xigeennadiisa labaad iyo saddexaad, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga iyo xukuumaddaba, taageerayaal badan oo isugu jira haween iyo dhallinyaro si rasmi ah ugu biiray xisbiga.
Khudbado kala duwan oo madasha laga jeediyey waxa lagaga hadlay taageerayaasha cusub ee la midoobay KULMIYE iyo muhiimada ay leeyihiin ee ay xisbiga ku soo kordhiyaan, iyagoo lagu wargeliyey in xisbigu yahay mid ummaddu wada leedahay oo aanay cidi ka xigin, waxa kaloo lagaga hadlay xaaladaha guud ee waddan ee dhinacyada siyaasadda iyo saamaynta ay ka tageen abaarihii culsaa.