Xisbiga KULMIYE Oo xafiis cusub Ka furtay xaafadda magaalo Ugaaso

?Hargeysa 21/05/2017, (Warbaahinta) – Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo uu xisbigu ku yeelan doono xaafadda Magaalo Ugaaso ee degmada Gacan Libaax, waxana munaasibadda xadhigga lagaga jarayey xafiiskan ka qayb-galay xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Md. Mustafe Maxamed Yoonis(mustafe waxdad), guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Hadhiye, saraakiil sarsare oo xisbiga ka tirsan iyo taageerayaasha uu xisbigu ku leeyahay xaafaddaas.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray xafiiska xaafadda Magaalo Ugaaso, ayaa waxa soo cammiray, isla markaana masuuliyiinta xisbiga kusoo dhaweeyey taageerayaasha xaafadda ku dhaqan, kuwaas oo muujiyey taageerada ay xisbiga KULMIYE la garab taagan yihiin iyo sida ay isu abaabuleen.
Ugu horrayn guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo munaasibadda xadhig-ka jaridda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dadweynaha xaafadda ku dhaqan iyo maamulka xisbiga ee munaasibadda qaban qaabiyey, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku dhiirrigeliyey inay codkooda iyo cududdoodaba ugu hiiliyaan xisbiga, isla markaana ay kaadhadhka cod-bixinta qaataan waqtiga la gaadho bixintooda.

Marwo Ugaaso Cabdi Muxumed oo ah hooyada xaafadda loogu magac daray, isla markaana door laxaad leh ku leh xafiiska cusub ee xadhigga laga jaray oo halkaas ka hadashay, ayaa caddaysay inay shacabka xaafaddu heegan ugu jiraan taageerada xisbiga KULMIYE, ila markaana uu xafiisku noqon doono madal hawlaha xisbiga lagu gorfeeya, lagana fuliyo tallaabooyinka muhiimka ah ee uu xisbigu ku kasbanayo taageeraal hor leh.
Siyaasi Cabdiqaadir Muuse Cige oo kamid ah murrashixiinta KULMIYE ee doorashada golaha wakiillada oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bulshada ku dhaqan xaafadda Magaalo Ugaaso uga mahadnaqay sida bilicda iyo xamaasadda leh ee ay isu abaabuleen, waxana ay uu ku adkeeyey inay taageerada KULMIYE u midoobaan.

Xoghayaha golaha dhexe ee KULMIYE Md. Mustafe Maxamed Yoonis oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey haweenka iyo taageerayaasha xaafadda Magaalo Ugaaso ee xafiiska loo furay, waxana uu ku adkeeyey inay isku duubni iyo wada-shaqayn ku ku waajahaan waayaha soo socda iyo waqtiyada doorashooyinka loo diyaar garoobayo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay shacabka ku dhaqan xaafadda Magaalo Ugaaso, waxana uu ka codsaday inay kor usii qaadaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, islamarkaana xidhiidh wado-shaqayneed la yeeshaan laamaha kala duwan ee xisbiga, si waxtarkoodu u noqdo mid midho dhala. 

Ugu dambayntii waxa uu guddoomiye Axmed Cabdi Dheere si rasmi ah xadhigga uga jaray xafiiska uu xisbigu ku yeelan doono xaafadda Magaalo Ugaaso, kaas oo hawlaha kala duwan ee xisbiga lagu qaban doono, isla markaana laga abaabuli doono qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadaha xisbiga ee waqtiga ololaha.