Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyey Sweden

Stockholm (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey dalka Sweden oo uu uga bilaabay socdaal uu ku tagay qaaradda Yurub.

Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid oo ay wehelinayaan Xildhibaan Ismaaciil Cagayare oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md. Cabdiraxmaan Maxamed (Abdeeq), waxa madaarka diyaaradaha ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku soo dhaweeyey wakiilka Somaliland u qaabilsan dalkaasi iyo qaar ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ku nool dalkaasi.

Xoghayaha xisbiga KULMIYE ayaa Sweden uga gudbi doona dalal kale ee qaaradda Yurub ah, kuwaas oo uu kulamo kula yeelan doono masuuliyiinta laamaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE.