Wefdi culus oo uu harkacayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Burco gaadhay

Burco 05/06/2017 (Warbaahinta KULMIYE) Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga isla markaasna ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukumadda ayaa socdaal ku gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Weftigani oo goor dhowayd gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa ujeeddadoodu  tahay sidii gurmad qaran oo loo dhan yahay   looga gaysan lahaa cudurka shuban biyoodka oo dhawaan ka dilaacay magaalada Burco.

Xubnaha Wasiirrada ah ee Socdaalka ku wehelinaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire ,  Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ,  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan , Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habbane.

Sidoo kale Waxaa weftiga ka mid ah  hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed  iyo Axmed Muumin Seed.

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee gurmad ahaan ugu baxa Gobolka Togdheer oo ay wakhtigan ka jirto xaalad werwer oo ku saabsan Cudurka Shuban biyoodka.