Guddoomiyaha KULMIYE oo ka qaybgalay tartannada Ramadaanta ee Garoomada Xawaadle iyo dhallinta ee degmooyinka 26-ka June iyo Ibraahim Koodbuur

Hargeysa 01/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qabgalay tartannada Kubadda Cagta bisha Ramadaan ee ka socda garoomada degmooyinka 26 June iyo Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo ka mid ah tartannada lagu qabanayo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo uu bixiyey xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen saraakiil ka socda xisbiga, wasiirro ka tirsan ka tirsan xukuumadda iyo madaxda heer gobol iyo degmo ee Hargeysa, ayaa galabta booqday garoomada Xawaadle ee degmada 26-ka June iyo garoonka Dhallinta ee degmada Ibraahim Koodbuur, waxaannu Guddoomiye Muuse Biixi uu waqti geliyey, isla markaana dadweynihii garoomadaas ku sugnaa kala qaybgalay daawashada ciyaarihii garoomadaasi ka socday, isaga oo dhallinyaradii ciyaaraysayna ku dhiirrigeliyey inay mihnaddii kubadda cagta sii wataan.

Murrashaxa KULMIYE iyo saraakiil uu hoggaaminayey waxay kormeerkooda ku tageen garoonka Xawaadle ee degmada 26-Ka June oo ay ka socotay ciyaar dadweynuhu si weyn daawashadeeda uga qaybgaleen, waxaana soo dhaweyn kadib madasha ka hadlay xubno weftiga ka tirsanaa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo madax kale, kuwaas oo dadweynihii madasha ku sugnaa uga mahadnaqay sida ay muhiimadda u siinayaan kubadda Cagta iyo daawashadeedaba.

Waxa kaloo Guddoomiye Muuse Biixi uu booqday Garoonka Dhallinta ee degmada Ibraahim Koodbuur, halkaas oo ku soo dhaweeyeen taageerayaal iyo dadweyne uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho oo ka tirsan Golaha Guurtida oo isagu madasha ka jeediyey hadallo soo dhaweyn u badan.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay Guddoomiyaha ugu mahadnaqeen sida uu dhallinyarada u dhiirrigelinayo ee uu u garabtaagan yahay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hadallo uu ka jeediyey garoomadaasi uu booqday waxa uu da’yarta kula dardaarmay inay kobciyaan xirfadooda Kubadda Cagta si ay u metelaan qaranka Somaliland, “Dhallinyarada waxaanu ka rajaynaynaa ciyaar fiican iyo inay ay noqdaan ciyaaryahanno waaweyn oo qaranka Somaliland oo dhan u ciyaara, soo dhaweyntiinana waanu ka mahadnaqaynaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

spt4