Laanta xisbiga KULMIYE ee dalka Holland, ayaa soo dhawayn u samaysay labada wasiiru-dawle ee Wasaaradaha Beeraha iyo Warshadaha Somaliland

Apeldoorn 07/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Laanta xisbiga KULMIYE ee dalka Holland, ayaa soo dhawayn u samaysay labada wasiiru-dawle ee Wasaaradaha Beeraha iyo Warshadaha – Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Cabdisalaan Maxamed Xasan oo socdaal ku tagay dalkaasi.

Kulan afur iyo casho ah oo ay ka qaybgaleen xubnaha Guddiga Fulinta xisbiga KULMIYE ee dalka Holland, kana dhacay magaalada Apeldoorn, ayaa lagu soo dhaweeyey weftiga labada wasiir, waxaannay halkaasi isku waydaarsadeen warbixino la xidhiidha xaaladda dalka, waxqabadka iyo horumarka xukuumaddu dalka gaadhsiisay iyo sida xisbiga KULMIYE ugu diyaargaroobay doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13 bisha November ee sannadkan 2017.