Nuxurka go’aamo ka soo baxay kulamo dhallinyarada u heellan KULMIYE ku yeesheen Hargeysa

Hargeysa 08/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Dhallinyarada magacooda la yidhaa Dhallinyarada KULMIYE u Heellan, ayaa soo gunnaanaday kulamo ay yeesheen oo ay kaga wadatashannayeen arrimaha xisbiga iyo hawlaha qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland.

Kulankii u dambeeyey shirarka Dhallinyarada KULMIYE u Heellan oo ka qabsoomay huteelka Lake Assal xalay, waxa doodo iyo falanqayn ay yeesheen kadib ay ka soo saareen dhawr qodob oo isugu jira dardargelinta hawlahooda shaqo iyo u diyaargarowga bixinta kaadhka codbixinta doorashada ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo Komishanka Doorashooyinka ka bilaabi doono marka ay dhammaato bisha baraysan ee Ramadaan.

Go’aamadaasina waxay u dhignaayeen sidan; 
? Dhallinyarada KULMIYE u Heellan waxay ku boorrinayaan oo u soo jeedinayaan dhallinyarada dalka, gaar ahaan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer inay isu diyaariyaan qaadasha kaadhka codbixinta.
? Dhallinyarada KULMIYE u Heellan waxay isla qaateen in ay doorkooda ka qaataan wacyigelinta iyo hawlaha qaadashada kaadhka codbixinta
? Dhallinayrada KULMIYE u Heellan waxay sii xoojinayaan hawlaha dardargelinta xisbiga KULMIYE.

Dhallinyarada KULMIYE u Heellan waxay ku boorriyeen dhallinyarada inay barbar taagnaadaan xisbiga KULMIYE oo ku sifoobay xisbiga dhallinyarada, isla markaana ay ka mamnuuc tahay ku dhaqanka qabyaaladda iyo qabiilkuba.